Jawiga Dugsiga Abaarso waa ka xor Dhaqanka Islamka

0
Thursday August 26, 2021 - 09:05:14 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawiga Dugsiga Abaarso waa ka xor Dhaqanka Islamka

    Arday Maraykanka jaamacad lacag la'aan ma helaan. Dhallinyaro badan oo Maraykan ahina, gaar ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arday Maraykanka jaamacad lacag la'aan ma helaan. Dhallinyaro badan oo Maraykan ahina, gaar ahaan



1. Intaan ku dhex jiray dugsiyada Maraykanka ee aan ka shaqaynjiray waxa aan fiiro gaar ah siin jiray ardayda Muslinka.

2. Naadir bay ahayd in arko arday muslim ah oo soomman ama tukanaya.

3. Cid u diiday ma jirin ee waxa diiddan dhaqanka ay ku jiraan.

4. Waxa ay u arkaan in diintu tahay dhaqan laga tegay oo aan noloshooda qayb ka ahayn.

5. Dugsiga Abaarso:

a. Waxa laga dhisay meel cidlo ah oo ka fog nolol maalmeedka bulshada

b. Waxa loo fududeeyay dhaqan ka duwan ka bulshadooda

c. Waxa loo abuuray nolol ka xor ka ah bulshadooda

d. Waxa loo sheegay in ay dareenkooda xor u yihiin

6. Marka khasab ma aha in diin kale lagu hanuuniyo ee waxa loo abuuray jawi ay ilaawi karaan diintooda iyo dhaqankooda.

7. Shir aan mar ka qaybgalay oo loo qaybtay waalidiinta iyo ardayda muslinka oo lagu qabtay masaajidku yaal magaalada aan ku noola, oo ay hoggaaminayeen culimaddu baa arday ardaya su’aalaha loo furay.

a. Ardayad baa waxay tiri, " Marka aan madaxa masar ku xirno waxa loo haystaa in aan bugno ee ma dhaafi karaa?”

b. Mid kale baa waxa ay tiri, " Saxiib (boyfriend) ma yeelan karo oo wiilashu marka ay arkaan madaxayaga dedan waxa moodaan in aan bukno ee saaxib ma yeelan karaa?”

c. Wiil baa waxa u yiri, " Akhriska Quraanku waa waa lagu caajisayaa (boring) ee ma layska dhaafi karaa?”

8. Ardaydan cidina diinta kuma dirin ee waxa loo abuuray jawi ay kaga fogaan karaan diinta iyo dhaqanka diiniga ee Islaamka.

9. Arday Maraykanka jaamacad lacag la’aan ma helaan. Dhallinyaro badan oo Maraykan ahina, gaar ahaan kuwa mado waxa ay ku danbeeyaan xabsiga.

10. Dugsiga abaarsoiyo jaamacadda Barwaaqo hadafka (mission) laga leeyahay ma cadda . Ardaydu waxa ay ku sugan yihiin jawi loo abuuray inay ka xorooban dhaqanka iyo diintooda oo ay rumayn karaan afkaaro kale oo qarsoon.



Yuusuf Hayd

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...