Waa maxay "Growth-Mindset"?

0
Thursday August 26, 2021 - 09:02:18 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay "Growth-Mindset"?

    Dadka doorka dadaalka diidanay (Fixed Mindset) waxay ka cabsadaan carqaladaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka doorka dadaalka diidanay (Fixed Mindset) waxay ka cabsadaan carqaladaha



Professor Carol Dweck oo Psychology ka dhigta Standford University ayaa qortay buug la yidhaa: Mindset: Changing The Way You think To Fulfil Your Potential.

Buugan oo la iibsaday hal million oo copy in ka badan ayay ku qeexday professooradu inay dadku laba nooc yihiin. Dad waa dad aaminsan in kartida loo dhasho dadaalkuna waxba ka badeli karin (Fixed Mindset). Dadka kalena waa dad aaminsan in kartida iyo hibadaad u dhalatay inuu dadaalkaagu kor u sii qaadi karo (Growth Mindset). Markaynu leenay dadaalku kartiduu kordhin-karaa kama wadno in qof-walba wuxuu rabo inuu khabiir ku noqon karo ee waxa laga wadaa: ma ogaan kartid qiimaha kartida kuu qarsoon ilaa aad dadaal ku muujisid mooyee.

Dadka doorka dadaalka diidanay (Fixed Mindset) waxay ka cabsadaan carqaladaha ka hor iman kara haday wax cusub bartaan ama wax iyaka ku-cusub isku dayaan. Markaa waxay iska dhaadhiciyaan inay wakhti-lumis tahay maadaam oo kartida loo kala dhasho. Caksi-ahaan, dadka dadaalka ogoli waxay markasta raadiyaan waxayaabo cusub oo ay bartaan si ay kartidoodu u kororto. Kamana baqaan carqaladahay la kulmi doonaan intay dadaalka ku jiraan.

Professor Carol Dweck waxay kusoo koobtay buugeedan in dadka dadaalka ogoli ay ka horumarsanyihiin kuwa dadaalka saamayntiisa diidan. Waxa kalooy xustay inuu qofkii rabaa caqliyadiisa badeli karo si uu u ogolaado inuu kartidu udhashay waraabin karo si uu ugaadho heer kasii horumarsan heerku hada taaganyay.

Axmed xuseen



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...