Kafekerka Dhaliilidda iyo Tuhunka
"Sidee ayay u suurtoobaysaa in uu ruuxu maanta si dhib yar ugu noolaado adduunkan ay isdabamarayaan aragtiyaha isburinaya ee dhan walba sawaxanka iyo salaqweedhaanku kaga socdaan: dhan siyaasadeed, dhan bulsheed, dhan warbaahineed iyo dhan fekradeedba, isaga oo aan lahayn garaad furan oo u fiiro badiya oo iska shaandheeya xogaha iyo wacaalaha soo gaadhaya iyo aragtiyaha iyo fekradaha uu la kulmayo?!
Waa muranmadoon in ruuxa aanu garaadkiisu gaadhsiisnayn heerka gorfaynta iyo falanqaynta xogaha soo gaadhaya ee aan iska hufi karin ee iska kala haadin karini uu ku dhexhabaabayo oo ku dhex'eedaadayo wararka isjiidhsan, aragtiyaha isku liddiga ah, kutirikuteenta la suuqgeynayo iyo aaminaadaha kala taggan.
Islaamku isaga oo la gole yimi amarro, diidmooyin iyo wararba, haddana waxa uu ku dedaalay boorinta in danayn gaar ah la siiyo ku waxqaadashada iyo u daymo badinta fekerka, cadaymaha iyo xaqiiqooyinka muujinaya arin in uu qumman yahay, iyo in aanu ruuxu fekrad isaga qaadan ama aragti isaga aaminin ama odhaaho isaga laqiman keliya in ay bulshada ku dhexbaahday oo caanbaxday, iyada oo aan caddayn iyo xaqiijin wadan".
Waa qeyb aad iisoo jiidatay oo kamid ah 10ka qodob uu lafa gurayo dhiganaha Faca koraya, waxaa qoray Axmed ibnu yuusuf assayid waxaana afka soomaliga kuturjumay Aadan khadar cali, dhiganaha qodobkaan waxa uu kaga hadlayey aragtiyaha kala duwan ee qofka soo gaaraya in uusan iska qaadan indho la'aan ee uu iska kala shaandheeyo saxnaanshahooda kana qaato inti anfaca leh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





