Kala shaki soo kala dhex galay xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Saddex arrin oo la isku hayo!

0
Thursday August 26, 2021 - 08:41:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala shaki soo kala dhex galay xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Saddex arrin oo la isku hayo!

    Musharixiin aan xildhibaan doon ahayn, balse xiriir dhaw la leh maamul goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharixiin aan xildhibaan doon ahayn, balse xiriir dhaw la leh maamul goboleedyada.


Midowga Musharaxiinta oo digniin u diray Madaxweyne Farmaajo (Farriin culus) - Jowhar somali news leader

Xubnaha Midawga musharixiinta oo si wacan isula heli jiray shaxda islamakaana isaaminsanaa xilligii ay dagaalka kula jireen madaxwaynaha waqtiga ka dhamaaday ee dhex fadhiyo Villa Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa hadda u muuqda kuwo Kubadda isla haleeli la’.

Midowga Musharaxiinta oo kaarka cas/guduudan uu ka qaatay C/kariin Xusseen Guuleed, qaar kalena ay hal hal jaale ka haystaan, ayaa inta garoonka xilligaan ku jirta waxaa ay u kala baxsan yihiin sadex qaybood.

 

1- Qayb xildhibaan doon ah oo taageero ka haysta Madaxda Maamul goboleedka.

 

2-Koox xildhibaan doon ah oo aan isku halayn karin Madax goboleedyada, kana doorbidaya in awood la siiyo Duubabka dhaqanka.

3- Musharixiin aan xildhibaan doon ahayn, balse xiriir dhaw la leh maamul goboleedyada.

 

Danahaas kala duwan waxaa ay keeneen in ay isaamini waayeen, waana sababta guddiyadii min sadexda ahaa ee loo xilsaaray soo turxaan bixinta arrimaha la isku haysto ay ilaa iyo hadda isu arki la’yihiin.

Madaxweynaha Puntland Siciid Dani ayaa la sheegayaa in uu wado qorshe uu ku kala dhantaalayo midawga Musharixiinta, isaga oo dadaal ugu jira sidii xubnaha xildhibaan doonayaasha ah loogu qancin lahaa in kuraasta loo xiro, si ay qaylada u daayaan.

 

Su’aashu waxaa ay tahay, midawga Musharixiibtu ma yeelan karaan arragtidii ay ku wiiqeen siyaasadii doorashada ee madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo?.


Loading...
Loading...