Maxay Yihiin Qodobada Uu Muuse Biixi U Cuskaday Soo Celinta Xeerka Furashada Ururada Siyaasada?

0
Wednesday August 25, 2021 - 20:34:57 in News by
  • Visits: 2423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Qodobada Uu Muuse Biixi U Cuskaday Soo Celinta Xeerka Furashada Ururada Siyaasada?

    Maxay Yihiin Qodobada Uu Muuse Biixi U Cuskaday Soo Celinta Xeerka Furashada Ururada Siyaasada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Yihiin Qodobada Uu Muuse Biixi U Cuskaday Soo Celinta Xeerka Furashada Ururada Siyaasada?


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa golaha wakiilada dib ugu celiyey xeerka furashada urursada siyaasada ee xeer Lr 14.

May be an image of 1 person


Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Cali Xaamud Jibriil ayaa faah faahiyey qodobada uu Muuse Biixi u cuskaday soo celinta xeerkafurashada ururada siyaasada.

Ugu horayna isaga oo ka shaacinaya in xeerkaasi soo gaadhay shirgudoonka golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi "xeerkaas uu madaxweynuhu soo celiyey wuu na soo gaadhay, maalintii sabtidii ayaana la keenay xafiiska gudoomiyaha iyo xafiisyada kale ee shirgudoonka”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Cali Xaamud Jibriil oo u waramay Saabtv.

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay qodobada uu Muuse Biixi u cuskaday soo celinta xeerka furashada ururada siyaasada waxaanu yidhi "Madaxweynuhu wuxuu u cuskaday soo celinta xeerkaas afar qodob oo kala ah

1.In xiliga ay ku beegan tahay doorashada ururadu waxay ka hor imanaysaa doorashada madaxweynaha oo wakhtigiisu dhamaanayo bisha November 2022, lix bilood ka horna waxa uu xeerku qorayaa in doorashada ururad la furo, doorashada madaxweynaha ayaana dastuuri ah oo madaxweynuhu cuskaday.

 

2.Xiliga doorashada ururada la qabanayaa waxay ku beegan tahay doorashada golaha guurtida oo hal sanoka danbaynaysa golaha wakiilada balse doorashada guurtida ayaa ah qodob dastuuri ah oo ay ka hor imanaysaa.

 

3.Waxa kale oo madaxweynuhu u cuskaday in hanaanka tooska ah ee xisbiyada iyo ururada oo aan waafaqsanayn xeerka 91/2020 oo iska hor imanaya.

 

4.Doorashada tooska ah ee xisbiyadu waxay sheegaysaa inay tahay mid heer gobol ah iyada oo la rabo in xisbiyada oo dhami ay cod ka helaan dalka oo dhan, markaa way iska hor imanayaan oo waa in doorashadu ay noqoto mid heer qaran ah waana in dib loogu noqdo xeerkii ay ansixiyeen golihii hore.”

Gudoomiye ku xigeen Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in labada qodob ee danbe ay yihiin shaqo u taala golaha wakiilada marka la horkeeno xeerkan madaxweynuhu soo celiyey "labada qodob ee danbe waa qaar u yaala golaha oo aanu naaqishi doono, ajandaha kalfadhigana kuma jiro markaa gole weynaha ayey u taalaa anaga oo ka gudanayna waajibaadkayaga dastuuriga ah ee naga saaran, afartaas qodob ayaanu madaxweynuhu u cuskaday soo celinta xeerkaas.”


Loading...
Loading...