Muuse Biixi Oo Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Madaxweyne Cigaal Isagii Cagta Saaray Mid Ka Xun .

0
Wednesday August 25, 2021 - 14:53:54 in News by
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Madaxweyne Cigaal Isagii Cagta Saaray Mid Ka Xun .

    Muuse Biixi Oo Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Madaxweyne Cigaal Isagii Cagta Saaray Mid Ka Xun .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Madaxweyne Cigaal Isagii Cagta Saaray Mid Ka Xun .


Madaxweynaha Somaliland anha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muus Biixi Cabdi ayaa ahaa mid si weyn uga soo horjeeday Madaxweyne Cigaal,isla markaana inta baddan ku eedayn jiray in talladdii dalka uu ku koobay in Suldaan uu wadda xukumo.

Ina Cigaal Iyo Calancastii Muuse Biixi Ku Jiray...W/Q Cismaan Cumar Dool


Madaxweyne Muuse Biixi oo kamid ahaa Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,isla markaana ahaan jiray Wasiirkii arrimaha guddaha,ayaa noqday markii xilka wasiirka laga qaaday mid si weyn u mucaaradi jiray Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ,isla markaana ku canaanan jiray in Dawladdii uu ku koobay beeshiisa oo keliya oo uu xilalka ugu waa weyn u dhiibay.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kamid ahaa haddaladii u cahdigaa ku duri jiray Marxuum Madaxweyne Cigaal kuwan :-"Madaxweyne Cigaal hal ayaan leeyahay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalow muddane Madaxweyne ma sideetan jir ayaad tahay ma afartan sanno ay Somaliland tallo ku mooday,ma sagaal sanno ayaad Somaliland hor fadhiday , ma maanta ayaad awoodii ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin ,Daakhiligii Xaakimkii Sarre, xeer illaalintii,Taliye ciidan .”ayuu yidhi Muuse Biixi

Geesta kalene markii uu xilka Madaxweynenimo qabtay Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la weydiiyey in isagii uu shalay wixii uu ku maagi jiray Madaxweyne Cigaal uu sameeyey,balse isaga oo u qiilsamanaya ayaa waxa uu ku jawaabay sidan:- "Waa runtaa oo da’du waa da’diiMaxamed Xaaji ibraahin Cigaal Wasiirkiisa arrrimaha guddaha ayaan ahaa ,waa runtaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal intaas-ba waan ku canaantay ,waxaanan ugu cannaantay qalad uu maalintaa joogay ayaan ka qabanaayey ,waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee isagu qaban lahaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Waxa uu intaas ku sii daray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo u qiilsamaynaya xilalka Xukuumaddiisa ee Beeshiisa uu ku taxay "Maanta annigu ma cid ayaan weerarayaa oo aad iga qabanaysaa,maanta ma cid aan weerarayo oo salaadiin ah ama gacansato ah ayaa jirta.”ayuu ku afgobaadsaday Madaxweyne Biixi


Loading...
Loading...