Jamhuuriyada Dhufayska Noqotay

0
Wednesday August 25, 2021 - 10:08:50 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamhuuriyada Dhufayska Noqotay

    Waxaan ku soo koobayaa inay tahay in laga waantoobo in Somaliland dhufays laga dhigto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku soo koobayaa inay tahay in laga waantoobo in Somaliland dhufays laga dhigto



Somaliland 30 sanno wixii lays waydiiyo ama dood kastoo timaada ma jirto cid si toosa uga jawaabaysaa xukuumadihii isasoo badbadalayna hadba cida xukunka haysaa marmarsiiyo waxay ka dhiganayeen Istiraac ma hayno oo marka la yidhaahdo hadii dawlad la yahay maxaa waxaas iyo waxaas loo qaban waayay waxay odhanayeen inta ku gabata Somaliland si ay mushaharadooda isaga sii qaataan dee dawlad yar oo curdin ah ayaynu nahay oon wali la ictiraafin, wixii jawaabta noocaas ah loo soo samraba ee laysu lahaa mar uunbaa laga bixi hada Somaliland way 30 jirsatay se wali waxa aan meeshii ka bixin inay wali ina leeyihiin dal curdin ah ayaynu nahay oo Somaliland ma qaangaadho miyaa oo iskuma filnaato?

Taas tu lamida doodii kalee timaadaba halkii laga doodi lahaa arintaas iyadana ee taagan markasta waxa lagu soo gabanayay oo dhufays laga dhiganayay Somaliland ayaa loo dan leeyahay xataa bal muu qof fikirkiisa hadlay ahaado oo marka la waayo waxay ku jawaabaan dhufayskoodii ayuunbay galaan Somaliland ayaa loo dan leeyahay ilayn waxay ogyihiin in qaar badan waligood ku soo harawsan jireene adhina daasad kama il baxee qaar quluxda loo ruxayaa kiciso ayaa jira oo dhanka la rabo loo kaxeeyo sidaana ku rumaysta beenowaasyada.

Baribaa waxa la yidhi wakhtigii kacaanka ayaa inan yar la soo xidhay waxaana lagu eedeeyay inuu qaran dumis yahay, markii hooyadii maqashay ayay tidhi, qaranka kaygan yari duminayaa marka horaanu lugo adag ku taagnayn, waxa la sheegaa in la sii daayay marka hadalkeedii la maqlay ilayn marka horeba xaq daruu ku xidhnaaye.

Waxaan uga socdaa markasta oo qof hadlo ama fikirkiisa dhiibto iyadoo la qancin karayay oo wuxuu sheegay laga jawaabi karayay oo haduu saxan yahayna loo garaabi karayay haduu qaladka yeeshana inta bulshada runta loo soo bandhigo halkaas lagu fashilin karayay nin waynoo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacdayna loogu maahmaahi karayay ayay taas samayn maayaan oo ilayn runba agtooda ma taalee waxay markiiba xidhaan qofkaas waxayna sameeyaan wax ay ku caan baxeen oo wanjalaad ah oo markiiba kiis kale ayay baadhbaadhaan iyo dhinac kale oo ay arinta ka soo mari karaan waxaana ugu horeeya "qarankeena ayaa lagu soo duulay " inta ay taas gargaar degdeg ahaan u sii isticmaalayaana kiiska wayn ayaa laga sii fikiraa oo qofkaas rumaan wax la yidhaah ayaa loo jaraa oo ka dhig na sug intaanu danbi kuu helayno wali danbi ma hayno e.

Waxa is waydiinta lihi waxa weeye Somaliland oo 30 jirsatay maxaa mar curdin looga dhigaa aan iskeed waxba u qabsan karin marka waxqabadkii dawladi bulshadeeda u fulin lahayd wax layska waydiiyo marna dawlad diciifa oo uu qof qudhi dumin karo waa marka qof xoriyad hadlo si maxaad u xoriyad hadashay loo dhaho loona helo sabab lagu aamusiiyo?mise Somaliland ta Coldoon inuu dumiyo looga baqayaa ayaan ahayn ta aynu moodayno oo Coldoon ayaa ka awood wayn ilayn waatan madaxwayne wasiiro iyo TV gii qarankuba dhinac difaaca ka soo wada galeene?.

Waxa is waydiinta lihi waxa weeye Somaliland ardayda dibada loo dirayo ku faanaysa oo ictiraaf ka maacoodinaysaa wasaaraddeedii arimaha dibadu miyay talax gabtay ilayn waata wali bilaa wasiir arimo dabadeed ahe? Mise kaarto kale ayaa ictiraaf raadintii loo badalay oo waxa lagu raadinayaa kuwa dhaqanka xun leh iyo baadariyada in dalkeena lagu casuumo si laynoo ictiraafo?

Waxa la yidhi "nin gunti xumi inuu wax qarsanayaa la modaaye"waa maxay sababta loo xidhay markiiba Coldoon markuu soo hadal qaaday baadariyada halkii doodu ka ahaan lahayd way jirta gabadhaas iyo ma jirto oo wuu ku riyooday maxaa loo xidhay durbadiibana loo kiciyay waalidiinta ardayda dhigata? Isagu ma jaamacaduu ka hadlay mise ardayda, waxa kaliya ee uu sheegay waa baadariyade maxaa looga warwareegayaa looguna gabanayaa qaran ayuu duminayaa ?

Dadka reer Soomaaliya ee taageersan ee dadka qaar leeyihiin meel kalaa laga wadaa dadkaas idinkuunbaa u haysta inaynaan is ahayne ma inay gaalo yihiin ayaad moodeen oo ay ka aamusayaan wixii dulmiyid ah ama Diinta inaga dhaxaysa quseeya? Haday Islaamka oo dhami af Soomaali fahmi lahaayeen dhamaantood waxa socda way ka hadli lahaayeen wayna ka soo hor jeesan lahaayeen idinka mooyee.

Waxaan ku soo koobayaa inay tahay in laga waantoobo in Somaliland dhufays laga dhigto oo toos xaqiiqada loo abaaro oo aan laga dhigin meel cid gaar ahi tahay kuwa Somaliland jecel ee ilaashanaya kuwa kalena ka ilaalinaya, Somaliland halaga daayo in laga dhigo maqaaxi u shidan afar qof oo marka qof hadlaba lagu soo boodayo qofkii sidaySomaliland tahay dhaxal uu iyaga aabahood uga tagay oo kuwa kale duulaan ku yihiin, wax tarso wax beel ayay dhashaaye idinkoo isleh difaacda kuraastiina kuwa hadalka xunow ha ku waayina kuway Somaliland ku taagantahay "bulshada samaha jecel " oo haday iyagu kala qaybsamaan oo qaarna laga dhigo ilaaliyayaasha Somaliland kuwa kalena laga dhigo laga-ilaaliyayaasha idinkuunbaa ku xil beeli doona dhufaysna siima ahaan doonto lagu gabado oo waa lagu kala dhaqaaqi ilayn sidan laguma jiri karo free maalin walba taagane oo waxa meesha ka socdaa waa wixii laga diiday kacaankiiye waxaan idin leeyahay sidi sididiina mooyee dhuldhaciina hubsada kibirkana waa lagu jabaaye taas hala ogaado.

DrMawliid Kudar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...