Talo Kooban Oo Ku Socoto Dadka Soomaaliyeed
Baryahan waxa soo badanaya dadka side shaqsiga ah isu weeraraya ee uu midaba mid wax ka sheegayo, dhamaantiin waxaan idinkula talin lahaa inaydaan qof wax ka sheegiisa ku talax tagin, fikirka aad taageersan tahay sheeg waxaad ku taageersan tahayna soo bandhig se qof kaaga mid lidi ku ah taageersan ha weerarin shaqsiyadiisa iyo ehelkiisa.
Si kastoo aynu u kala fikir duwanahay dal iyo dad ayaa inaga dhexeeya markaa hadaanu qofku ahayn qof xumaan wayn sameeyay ama lagu ogyahay ahayna qof laga maarmi karo "aan ahayn Soomaali" cagta u dhig oo ha toocsan hana daba dhigan wuxuu doonaba qofkaas Soomaaliga ahi haku hadlee haka waalin, kaliya hadaad fikirkiisa ku ka fiican hayso soo bandhig kaaga.
Qofkii ajaanib ah kuna darsaday xumaan uu ku faafinayo bulshadeena kaas xaqbaad u leedahay inaad fogayso dalkana halanooga saaro tidhaahdo waayo aduunka kaleba qofka ajaanibka ah ee ka hor yimaada shuruucda dalka sharcigay kala noqdaan waanay mustaafuriyaan.
Qofbaa igu yidhi "horta heblaayo waxba kama tidhaahdide ma heshiis ayaad kala saxeexateen ?" ????
Arintaasna waxaan ka leeyahay sharciga iiga yaal aniga qofka Soomaaliga ah kaliya waa qancin soo dhawayn iyo tusida sida hagaagsan waa hadaan u arko inuu habawsan yahay mana jecli qofka Soomaaliga ah wuxuu doonaba maanta haku hadlayee in loo muujiyo colaadin in la eryado in ceebo kale loo baadho oo in lagu tuhmayo iyo inaan jirinba laysugu daro sidaasna laysugu dayo in la firdhiyo, midna ogaada qofkiina hadaad cadaawad u muujisaan oo uu kuwo kale u arko inay idinkii aad is ahaydeen iska kiin xigaan maadaamay iyagu soo dhawaynayaan wuxuu adeegsan karaa siyaasad ah "cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa" sidaana wuxuu garab siin karaa kuwa ay marka hore kala fogaayeen se mar hadaad idinku cadaawad u muujiyeen isna waxaad tihiin inuu idin tuso ayuu isku dayi isagoo kaashanaya kuwa aad cadaw dhab ah isu tihiin maadaamuu galdaloolooyinkiina og yahayna meel kastoo laydinka soo gali karuu tusi markaa horena arintan wax waan uga qoraye dad badanoo ka sii badbadinaya ayaan arkaaye dadkiina iyo diintiinaba wada ilaashada.
Waxaan ku soo koobayaa masuuliyiinta xilka ay hayaan ku tagri falaya iyagana qaladkay ku jiraan uun farta u saara oo ku cadeeya oo siyaasad xumadooda sheega iyo siday sharciga ugu tumanayaan se kala garta iyaga iyo qoyskooda ama qabiilkooda, qabiilkoodu sheekh iyo shaydaanba wuu yeelan karaaye shaqsiga aad aragto qaladkuu ku jiro uun ku koobnow, kuwa markay arkaan in siyaasi reerkooda ah la dhaliilayowna reernimo haku difaacinee haduu qaldan yahay xadhigiisa noqo oo waar ka daa dheh oo u hiili adoo xumaanta ka qabanaya iyo inuu cid dulmiyo isagoo magacaaga huwan ama rajaynaya inaad ku difaacdo sax iyo qaladba.
Hore waxaan u idhi
Soomaali wada cisee
Wanaag u rajee dhamaan
Wehel iyo u noqo walaal
Afkaagu waxaanu gayin
Ka dhawrso wixii xunee
Waxba u tarayn midnaba
Mid kalena wanaajinayn.
DrMawliid Kudar
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!