Sababta dad badan u eedaynayaan Coldoon oo xidhan maxay tahay? W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

0
Tuesday August 24, 2021 - 22:55:12 in Articles by
  • Visits: 2125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sababta dad badan u eedaynayaan Coldoon oo xidhan maxay tahay? W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Sababta dad badan u eedaynayaan Coldoon oo xidhan maxay tahay? W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta dad badan u eedaynayaan Coldoon oo xidhan maxay tahay? W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

Coldoon dadkii buu ka kaxaystay Muuse Biixi, taas ayaa laf jab ku noqotay, waxana la abuuraya jawi dadka lagu so celiyo, taas oo sees u tahay marinhabaabin laga leexinayo dadka wixii jiray.


Somaliland: Maxaa mar kale loo xiray Cabdimaalik Muuse Coldoon - BBC News Somali


Caqliga Saliimka ah iyo sharcigu wuxuu dhigaya in qofka hadii danbi uu galo, oo uu gacanta kula jiro haayadaha amnigu inay qabtaan, una Maraan sifo sharci ah xadhigiisa, hadii ay jirto cid dacwaynaysa cidas baa dacawada gudbisa, si loogu so qabto, xadhiga Coldoon ma jirin cid dacwaysay, ee waxa loo qabtay si uu danbi Faraha kula jiro.

Dawlada waxa la gudboon in aanay isaga oo xidhan aan cid odhan waan dacwaynaynaa, ee ay ku soo oogto denbigu gacanta kula jiray, ma jirin Waalid dacwad gudbiyay iyo waaran u yimi toona , markaa ficilkii lagu qabtay iyo ka lagu xukumayaa hays waafaqeen.

Mid kale baa jirta oo ah intii la soo daayay Coldoon kama hadal Abaarso School, waxa uu ku dhagana xarunta dhaqanka,maalintii Biixi ka hadlay Jamaacada Barwaaqo, ayu isna hadlay, wxaana soo baxday in kaniisadii u markhaati furto Coldoon.

Gartu cidna ma taqaan, waxa waxan oo dhami u socdaan waa shacabka laysku haysto, hadaba shacabka horaa Bixii looga kaxaystay, waxana u furan dariiq aan kan ahayn in lagu kasbado.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...