Guddoomiye Daa'uud Kaalinta uu Kaga jiro Bahda Waxbarashadda Somaliland Taariikhdaa sheegi doonta
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo muddo aad u dheer joogay Xafiiska Imtixaannaadka qaranka, waxa uu sameeyay dedaal iyo horumar baaxad wayn leh, waxaannu Xafiiskaas ka soo qaadday meel aad u hoosaysa oo aannay haba-yarraatee aannay waxba jirin, maanta Xafiiskaas bilicdiisa, shaqadda ka socota, Shaqaalaha khibradda badan ee jooga, sida wax u kala socdaan waa wax aannad malayn karayn. Runtii guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax wuu mudan yahay in la sheego kaalinta hawlkarnimada leh ee uu ugu jiro Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo uu UDUB-dhexaad u yahay, waxaannu u qalmaa in bilad sharaf lagu abaalmariyo.
Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax waa guddoomiyihii ugu mudada dheerraa ee Xafiiska Imtixaannaadka qaranka soo mara, waanna Odayaashii aasaaska u ahaa Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland. Runtii waxa uu ku suntan yahay bilowgii iyo Horumarkii hayaanka Waxbarashadda ee Somaliland ee maanta taabo-galay, waxaanna hubaal ah in taariikhdu xusi doonto kaalinta uu kaga jiro bahda Waxbarashadda Somaliland.
Hadhwanaagnews, Office
Hargeisa,Somaliland