Beesha Caalamka oo kulan xasaasi ah la yeelatay Golaha Wadatashiga Qaran iyo fariin loogu dhiibay Musharaxiinta SAWIRO

0
Tuesday August 24, 2021 - 13:53:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo kulan xasaasi ah la yeelatay Golaha Wadatashiga Qaran iyo fariin loogu dhiibay Musharaxiinta SAWIRO

    Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa waxaa ay siiyeen Wakiilada Beesha Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa waxaa ay siiyeen Wakiilada Beesha Caalamka


May be an image of one or more people, people standing and indoor


Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Taageerada Beesha Caalamka gaar ahaan bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya si loo dhameystiro doorashada xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

 

Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa waxaa ay siiyeen Wakiilada Beesha Caalamka warbixin ku saabsan waxyaabaha uga hirgalay doorashooyinka iyo habraaca doorashada Aqalka hoose oo ay Axadii soo saareen.

 

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dadaalka ay ku bixinayaan qabsoomida doorashooyinka labada Aqal maadaama dhowr jeer ay doorashooyinka ay dib u dhaceen.

 

Golaha wadatashiga Qaran ee diirashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen la tashiyo ballaaran, iyaga oo la kulmay Midowga musharixiinta oo tabasho ka qabay habraacii la soo saaray iyo Guddiyada doorashooyinka Heer federaal iyo Heer dowlad Goboleed.

May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of one or more people, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

Loading...
Loading...