Xukuumada Oo War Ka Soo Saartay Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka Ee Dalka Ka Socda

0
Tuesday August 24, 2021 - 13:50:23 in News by
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo War Ka Soo Saartay Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka Ee Dalka Ka Socda

    Xukuumada Oo War Ka Soo Saartay Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka Ee Dalka Ka Socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo War Ka Soo Saartay Mashaariicda Dhismaha Wadooyinka Ee Dalka Ka Socda


Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka ee Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa maanta hortegey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, iyaga oo wasiirka xogwaraysi kala yeeshay hawlqabadka shaqo ee wasaradaasi qaranka u xilsaarantahay.




Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa waxaa kale oo uu gudiga uga xogwaramay mashaariicda horumarinta waddooyinka ee dalka ka socda.

Waxaana uu wasiirku sheegay Mashaariicda Waddooyinka lagu dhiso deeqo dibada laga helo iyo kuwa laga maalgeliyo miisaaniyadda Qaranka, isaga oo faahfaahin ka bixiyay dhismaha Waddooyinka Ceerigaabo iyo Togdheer, Boorama iyo Lawyacado, Berbera iyo Hargeysa iyo Hargeysa iyo Ina Guuxa.

Wasiirka, ayaa sheegay in ay wasaaradda ku soo kordhiyeen shaqo gelinka danbe ah si loo kordhiyo adeegga wasaarddu ay u qabato bulshada isaga oo faahfaahin dheraadana ka bixiyay arrimaha Liisamada wadista Gaadiidka iyo dib u eegista lagu sameeyo Gaadiidka.

Xildhibaanada Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa Wasiirka waydiiyay Su’aalo ku saabsan hawlqabadka shaqo ee wasaaradda oo uu isna ka jawaabay.


Loading...
Loading...