Saamaynta Dagaalka Ethiopia E Gobolka Geesk Wayn Ee Africa.
Saxibayaal waad salamantihin soo dhawada , sidi aan hore uga qornay maqalo muhiima xaalka iyo dagaalka Ethiopia manta waxaan soo koobaynaa samaynta u ku yeelanayo dalalka geeska Africa dagaalka ka socda Ethiopia.
1. Ethiopia gudaheda waxa dhacay is dil baladhan waana ka sii dari doona dagaalku bilaha soo socda waxa uuna ku faafi doona dhamaan gobolada ilamana aha in shirka abiy xal noqon karo hadii aan jilba wayna mucaradka lala fadhisan e hubka sitada isla markaana an la qancin waa jabhadaha TDF iyo OLF iyo in u shirku naqdo mid baladhan o ay kaso qayb galan dhaman darafyada iyo dhinacyada is haya six al looga gaadho dagaalka ka socda Ethiopia se hadi ay noqoto istus iyo is iclamin ah duniday shir baan qabsanay waxba hagagi maayaan.
2. Djibouti samayn wayn ayu ku yelanaya o dhaqaale maadma ay Ethiopia iyo Djibouti dhaqale ahaan isku xidhan yahin waxa mesha ka bixi doona jidka tarayn e isku xidha labada caasimadod e Jabouti iyo Addis ababa e ah marinka wayn e dhaqaale labada dal , sido kale hadi dagaalku soo gaadho si wayn dhinaca canfarta Djiboutina soo gaadh qalalaase dagaal haba yarado ee se samayn ayu ku yeelanayaa maadama ay Djibouti tahay dal aad u xasiloon o nabdoon dalal badana ay joogaan.
3. Somaliland waxa u samayn aan yarayn uga yelanaya dhinaca dhaqalaha iyo quutal daruuriga sida daraded wax badan baa mesha ka baxaya o lo bahanyahay in ay dawladeenu xaliso hadii aad u fiirsato manta suuqyadena caadiga ah waxa u ku xidhanyahay dalkaas Ethiopia sida daraded xal deg dega ayaan u bahanahay xata hadi ay Ethiopia nabad sii ahaato , sido kale hadi layslajiidho jaboiuti dagaalku waxa u soo gaadhi doona Somaliland gaar ahaan xadudka aan la wadaagno dalkaas jaboiti e dhinaca galbeed e dalkeena Somaliland.
4. Somalia o ah dal aan jaar nahay isna samayn dhaqale ayu ku yelanaya waxana usii dheer kana amni maadama ciidamada Ethiopia ay nabad ilaalin u joogan waxa suurtagala in ay labo ukala jabaan sidi dhacday maalmo dhawayd ka dibna ay samayntoda ay yeelato.
5. Dalka Eritrea waxa u ku yeelanaya samayn wayn o dhaqaale iyo dagaalka o soo gaadha si toos ah iyo in ay galaafto xataa xukumada kaligi talisk ah e madaxwayne Asaias afwerki iyo cuna qabatayno hor leh o ay Eritrea kala kulanto reer galbeedka.
6. Kenya waxa u ku yeelan doona mid dhaqaale haa waxa gaadhi doona dagaal dhaqaale bur bur o samayn weyn leh waa hadii la jaro jidka wayn e isku xidha Kenya iyo waqoyiga hoose e Ethiopia e kaso bilaabma dakadaha Ethiopia dhararki suna yahay 500 km waa aag dhaqaale (economic zone ) kaas o ka qayb qaata horumarka dhaqaale e labda dal.
7. Sudan iyo south Sudan waxa u ku yeelan doona xasarado dagaal waa hadi ay xadka dagaladsi ka soo gudbaane , south sudan waliba xasaradaha gudaha aad bay ugu nugushay , sudan qudheeda waxa ay ka faa”idi doonta soo cesashada dhulka ka maqan dhamaan o ay ka qaaday xukumadii meles zenawigi gacanta birta ah ku maamuli jiray mar dalkaas Ethiopia halkaasna isku dhac baa ka iman kara ah sudan iyo Ethiopia.
8. Sido kale guud ahaan qaarada ayu samayn wayn ku yeelan doona maadama ay Ethiopia tahay dal wide range diplomacy ah iyo guud ahaan calamka gaar ahaan reer galbeedka iyo ruushka iyo china iyo dal walba o Ethiopia maal gashi ku lahayd.
Mahadsanidiin Dhamantiin
TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





