Maskaxdii Albert Einstein Waxaa Xaday Thomas Harvey

0
Tuesday August 24, 2021 - 09:36:56 in News by
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maskaxdii Albert Einstein Waxaa Xaday Thomas Harvey

    Dhab ahaantii Miyuu Ka Duwanaa Maskaxda Dhexdhexaadka Ah?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhab ahaantii Miyuu Ka Duwanaa Maskaxda Dhexdhexaadka Ah?




Saacado ka dib markii uu dhintay, maskaxda Albert Einstein waxaa dafay dhakhtar fursad gaade ah oo baadhitaan ku sameeyey meydku sababta uu u dhintay, wuxuu se maskaxdii ku riday 2 dhalo muddo 30 sanadood ahna u daayey.

 

Sababtoo ah, Albert Einstein waxaa loo aqoonsaday cabqari caalami ah, marka maskaxdiisu waxay noqotay shay la damcay-xitaa markuu dhintay kadib. Albert Einstein oo dhintay 18 -kii Abriil, 1955 -kii, Saacado gudahood geeridii ka dib waxaa lagu sameeyey qaliin sababta geerida, balse dhakhtarkii baadhay ee u sameeyay (autopsy) wuxuu xaday maskaxdii.

 

In kasta oo wiilka Einstein uu markii hore xanaaqay, misna wuxuu markii dambe u oggolaaday dhakhtarka, oo la yiraahdo Thomas Harvey, inuu maskaxda siiyo cilmi-baadhayaasha, doonaya inay aqoonsadaan in caqliga fiisigisyaqaanku uu yahay mid ka yimid maskaxda, oo malaha ka duwan maskaxaha kale.

 

Baadi-goobkaas, qaatay tobanaanka sano ayaa dhaliyey murano daaha ka rogay qaar ka mid ah natiijooyinka oo kharash & culays ku noqday qoyska Einstein iyo garaadka laftiisa.

 

Wuxuu dhashay 14 -kii Maarso 1879, wuxuu na ku dhashay Ulm, Germany, Albert Einstein wuxuu ka tagay dhaxal aan la taaban karin, laga bilaabo saaxiibtinimada Charlie Chaplin iyo inuu ka baxsaday Nazi-gii Germany si uu dib ugu qeexo barashada fiisigiska.

 

Waxaa lagu ixtiraamaa adduunka oo dhan xariifnimadiisii, waxaa na fikrado ka dhiibtey dad badan oo ka tirsan bulshada sayniska, bal in maskaxdiisu ay dhab ahaan ka duwanaan karto maskaxda qofka caadiga ah. Sidaa darteed markii uu ku dhintay da’da 76 Isbitaalka Princeton, markiiba maskaxdiisa waxaa saaray Thomas Harvey.

 

Sida laga soo xigtay Carolyn Abraham, oo ah qoraaga lahaanshaha Cabqarinimada: Waxa layaabka leh indheer-garadnimada Maskaxda Einstein, sida uu qabo Harvey "wuxuu lahaa rajooyin xirfadeed oo waaweyn oo ku dheganaa maskaxdaas” waxayna u badan tahay inay u qaabaysnayd in xubintaasi ay aqoon dheer u lahaan lahayd daawada.

 

Harvey muu xadin maskaxda Albert Einstein oo keliya, balse wuxuu sidoo kale ka saaray indhaha oo uu siiyey dhakhtarii indhaha ee Einstein.



Meydka Einstein waxaa lagu rakibay qalab dhegeysi Princeton, New Jersey Abriil 18, 1955.

Maydka Einstein intiisii kale waxaa lagu gubay Trenton, New Jersey, Abriil 20 -keedii, xilligaas oo wiilka, Hans Albert Einstein, uu ogaadey wixii Harvey sameeyey. Wuxuu markii danbe ogollaaday in maskaxda wax laga baran karo, laakiin ay shardi tahay in daraasadahaas lagu daabaco joornaalada sayniska ee heerka sare ah.

 

Harvey wuxuu sii waday si taxaddar leh inuuu diiwaangeliyo oo sawiro maskaxda. Wuxuu ku miisaamay 1,230 garaam, oo la sheegay inay ka fududahay celceliska ragga da’da Einstein jira. Kadib wuxuu maskaxda u kala jaray 240 xabbadood oo uu weliba sawirray – oo uu u sameeyey sawir-gacmeed ahaan.

 

Harvey wuxuu ku adkaystay ujeedadiisu inay tahay mid cilmiyeed, wuxuuna ku wareejiyey maskaxdawaddanka oo dhan si uu qayb uga siiyo cilmi-baadhayaasha xiisaynaya. Xitaa Ciidanka Mareykanku wuxuu helay qaybo uu siiyey dhakhtarkan yoolka lihi.

 

"Waxay dareemeen inay la mid noqon doonto kuwa Ruushka,” ayuu yiri Abrahams, "oo uruurinayay maskaxdooda waqtigaas. Dadku waxay ururinayeen maskaxo – waxay ahayd wax. ”

 

Ku falaanta Harvey ee maskaxda Albert Einstein ma mashquulin oo kaliya shaqadiisa Princeton, balse waxay wax yeelaysay shatigiisa -caafimaad (medical license ) iyo guurkiisiiba.

 

Wuxuu u guuray Wichita, Kansas halkaas oo uu kula amankaagay suxufi 1978 -kii, Harvey wuxuu maskaxda ku hayey sanduuq ku dhex jiray qaboojiye. Daraasaddii ugu horraysay ee maskaxda Einstein ayaa la daabacay 1985 -kii oo ay ka soo baxeen natiijooyin muran dhaliyey.

Dhab ahaantii Miyuu Ka Duwanaa Maskaxda Dhexdhexaadka Ah?


DR. Thomas Harver wuxuu faahfaahin ka bixinayaa baadhitaankii maydka Albert Einstein, wuxuu na weriyayaasha ugu waramayaa Isbitaalka Princeton


Waxaa lagu daabacay tijaabinta dareemayaasha (Experimental Neurology) sanadkii 1985, daraasadii u horeysay maskaxdii la xaday ee Albert Einstein, waxaa na daaha laga qaaday inay run ahaantii u muuqatay mid ka duwan maskaxaha celcelis ahaan.

 

Garaadka ayaa la sheegay inuu lahaa qaddar celcelis ka sarreeya unugyada glial-ka, kuwaas oo neerfayaasha maskaxda ku haya oksijiin, ee ku hawlan.

 

Daraasadii xigtay oo ka soo baxday Jaamacadda Alabama ee Birmingham 1996 ayaa caddeysay in neerfayaashaani ay si aad ah isugu xidhxidhnaayeen marka la barbar-dhigo sida caadiga ah sidaa darteedna ay suurtogal tahay in la sii waddo macluumaadka.

 

Saddex sano ka dib, daraasad saddexaad oo ku saabsan sawirrada Harvey waxay muujiyeen in kala qaybsanka maskaxda Einstein ay ka ballaadhan tahay celceliska caadiga ah, taas oo laga yaabo inay ka dhigtay inuu aad u fikir badnaa.

 

Dhawaanahan, daraasad la sameeyay 2012 ayaa sheegatay in maskaxda Einstein ay ka muuqatay dherer yar oo ku taal xaga hore & meesha xidhiidhisa qorsheynta iyo xusuusta.



Laakiin waxaa jira dad badan oo dhaleeceeya daraasaddan, sida khabiirka cilminafsiga ee Jaamacadda Pace Terence Hines oo ku tilmaamay nooc ka mid ah "neuropathology.”

 

Wuxuu si adag u sheegay, "Ma qaadan kartid maskax qof leeyahay kaasoo ka duwan qof kasta- waynu kala duduwanahay- oo aad tidhaaho, ‘Ah-ha! Waxaan helay shaygii ka dhigay T- Hines ururiyaha shaabaddaha!

 

Hines kaligiis kuma jiro shakigu. Sida dhakhtarka neerfaha Dr. Frederick Lepore, oo ka shaqeeyey daraasadda 2012, ayaa isna sheegay, "Ma garanayo in Einstein uu xariif u ahaa, halka kala qaybisa maskaxdu inay ka duwantahay sida caadiga ah. Haddaad cagahayga dabka saarto oo aad tidhaahdo, ‘ Waa xaggee isku-xidhnaanta gaarka ahi? Xaggee bay qaraabadnimadu ka timid? ’ – wax fikrad ah kama hayno.”



Ugu dambayntii, dooddaas ku saabsan waxyaabaha gaarka ah ee maskaxda Einstein uma badna inay soo dhammaan doonto waqti dhow, in kasta oo badankeedii dib loogu celiyey Isbitaalka Princeton. qaybaha kale ee xubinta ninkan caanka ah, waxaa loogu deeqay hay’adaha caafimaadka.

 

Kahor geeridiisii 2007, Thomas Harvey wuxuu ugu deeqay inta ka hadhay maskaxda Einstein Madxafka Qaranka ee Caafimaadka iyo Daawada, ee Mütter, Philadelphia, wuxuu na leeyahay muunado u gaar ah oo la soo bandhigay ilaa hadda.


 

 

Af-celinta: Walwaal


Loading...
Loading...