"Kalkii Iyo Kaalintii Talada Dalka Ethiopia Ee Soomaalida Oo Kaabigaina Soo Saarey "
Dalka Ethiopia waxa ka jira culeys
weyn iyo cadaadis aduunku ku hayo maamulka Abiy Ahmed Ali oo gaadhay heer
laga go'doomiyo dhaqaalihii badnaa ee aduunku galin jireen dalka Ethiopia si
loogu cadaadiyo in uu xaalada Tigray u dabco.
Dhacdadani waxa ay u soo eeg tahay
midkii uu ku yimid Abiy Ahmed ee markii kacdoono joogsan waayeen loo dhiibay
qooniyada Oromo oo uu ka soo jeedo si ay ugu degaan loona badbaadiyo dalka
Ethiopia .
Waxa ku socda dagaalo dadban oo
dalka Ethiopia ku hurinaya colaado isir iyo qoomiyado oo halis ku ah gobolka
Geeska Africa oo dhan kuwaasi oo laga werwer qabo hadii ay soo kordhaan in ay
gaadhi karaan dawladaha jaararka sida Djibouti iyo Erateria oo ugu horeyn
doona.
Ethiopia waxa kale oo ku socda xaalado
is barkan oo muran xuduudeed siyaasadaysan iyo is haynta biyaha xidheenka
Ethiopia ee ay dhinaca ka yihiin Sudan iyo Masar oo halis ku ah amniga iyo
xasiloonida gobolka.
Maamulka uu hogaamiyo Abiy Ahmed
waxa ka dhex muuqday bilowgiiba aargoosi siyaasada iyo in umada ka soo jeeda
qoomiyada Tigray oo dhami u eedowdo gaboodfaladii maamulkii lagu mideysnaa ee
EPRDF oo ay awooda ugu badan lagaayeen TPLF , waxaana ka dhashay colaada la qar
dhaafiyey iyo dagaalka aduunka oo dhami dareemay ee gobolkaasi waqooyiga
Ethiopia ka dhacay oo barakiciyey malaayiin , kumayaal kale ay ku dhinteen u
burbureen magaalooyin iyo nolol umadeed oo dhisnayd.
Ilaa hadda marka aad eegto colaadaha
amxaarada iyo Tigray oo aad u ba'ani waxa ay u muuqdaan qaar maamulka Abiy dhexdiisa
lagu kala awood badan yahay oo aanay sinaba Tigray ugu qancayn in ay la
heshiiyaan Raisal wasaare Abiy inta uu eeg yahay maamulkiisu miidaan iyo madal
siyaasadeed oo qoomiyaduhu ku kala aar-goosanayaan.
HADII XAALADAHA ETHIOPIA KA SOO RAYN WAAYAAN MAXAA XAL AH ;
Dr Abiy Ahmed waxa aan u arkayey qof
niyadsami wax badan ku bilaabay wanaagii uu rabay iyo qorshihii markii uu
kaligii ahaa uu watay uu sumcad weyn ku helay , walow uu qaatey go'aan qadhaadh
oo kumayaal Ethiopian ahi u dhibteen sidii ay Badhame u heli lahaayeen hadana
waxa uu qaatey nabad waxaana uu ku badeshay;
1- In dhamaan colaadii Erateria ay u
haysay Ethiopia oo nuglayd loo badelo walaalnimo iyo iskaashi.
2- In dhamaan mucaaridkii dawlada
Ethiopia iyo jabhadihii fadhiyey Asmara la soo gabagabeeyo dhamaantood ,
waxaana ay ahaayeen ogaalkay ilaa 6 jabhadood oo hubeysan.
3- In uu qaatay qaraarkii qaramada
midoobay ee dhulkaasi in ay Erateria leedahay lagu go'aamiyey oo uu taageero
iyo soo dhaweyn aduunka oo dhan kala kulmay.
Waa kuwii waxwaliba si dhakhso ah
isku badelay ee ay xataa noloshiisu halis gashay maadaama aan maamulka
xukuumada Ethiopia iyo ciidamadu ku qanacsanayn go'aanada uu qaatay ee qalafsan
, waxaa uu ka badbaaday ilaa 3 shirqool oo in la dilo loogu talogalay iyo
inqilaabyo qorsheysnaa.
Cadhadii uu ka qaadey ayuu qaadey
cadaawad kale iyo cuqdad qoomiyado gaar ah , waxaa uu soo kala dhaweystay
dadkii Ethiopia, waxaana dhacday natiijada iyo xaaladaha Ethiopia hadda
ka taagan oo aan wanaagsanayn.
Haddaba hadii ay ka soo rayn waayaan
xaaladaha Ethiopia oo xal la waayo Dr Abiy Ahmed Ali waxa u banaan ;
1- In uu u badheedho dagaal adag oo
lagu kala adkaado oo uu dalka ku maamulo gacan bir ah , dhiig badanina ku
daato.
2- In uu kursiga baneeyo oo loo
dhiibo cid Ethiopia ku kala badbaado , lana soo dhiso maamul dawladnimo oo
dadka Ethiopia ku soo celiya midnimadii , " Soomaalidu waxa ay ka mid
tahay dadka dalka Ethiopia ku kala badbaadi karo taladooda ".
3- in uu tanaasulo oo Tigray
waxwaliba oo ay rabaan loo yeello oo Ethiopia inteeda kalena ku qasbanaato
caalamkuna sidaa ku garba galeeyo.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Mob; +252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





