Xukuumadaa Somaliland Ee Kala Dambeeyey Waxay U Nool Yihiin Sidabahalka Hoose U Noolyey.

0
Tuesday August 24, 2021 - 09:47:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadaa Somaliland Ee Kala Dambeeyey Waxay U Nool Yihiin Sidabahalka Hoose U Noolyey.

    W/Q: M. Baashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M. Baashe

Dad badan baa (fobia) ama shaki fikir qabiil ka qaba figrad kasta oo MARKII ay title ka Maqaalada arkaan u qaata inay xusbi ama reer hebel u jeedaan. MARKAA Markaa maqaalkani wuxuu hurdada ka toosinayaa Sirdoonka Somaliland oo ku fooggan arimo qaldan iyo qabyaalad laakiin Maqaalkani wuxuu soo ogaaday sida khamriga iyo Mukhaadaraadku ku soo galo Somaliland iyo Somalia iyo siday u hurdaan MAAMUL ku sheegyada dhulalka SOMALIDU degto oo dhan iyadoo arimo Siyaasadood iyo arimo dhaqaale iyo arimo diimeed oo caalamiyi dabada ka riixayaan SI soomalidan aan Dawlad xoogleh lahayn LOOGA baabiiyo oo LOOGA qaado wadankooda.



BAHALKA HOOSE ee MASKA IYO WIXII LA MIDI LABA SIYOOD BAY U CEESHAAN OO AH FIDRADA ALLAH U ABUURAY KHATARKASTA HA U LAHAADAAN BINU ADAMKA EH. Marka koobaad BAHALKA HOOSE wuu is difaacaa oo sun buu ku dhuftaa wixii u soo dhowaada ee hawadiisa soo gala.


Maamulada Somalida ee kala duwani waxay u jiraan sida BAHALKA HOOSE oo dhaqaalaha wadanka hoosbay u jaqaan sida Masku dadka hurda u jaqo, MARNA qaniinyey ku dhuftaan ciddii hawadooda soo gasha sida BAHALKA HOOSE.


Waxuu Maqaalkani rabaa inuu iftiimiyo inay Ethiopia ka samaysmeen warshado khamriga iyo Mukhaadaraadka SAMEEYA oo soo geli ya dhulalka SOMALIDU degto koone illaa koone, WAXAANA la soo sheegayaa in tijaar somaliyi wax ku leeyihiin warshadahaa khamriga ee Ethiopia ee dhulalka Somalida soo geliya.


Maamulada SOMALIDU weliba Madaxdu waxay jecel yihiin wax kasta oo Mujtamaca kasii jiidinaya oo way raacsan yihiin baa muuqata, dadka a waxaa lagu khawaysiiyaa Intan oo khamri ah baanu qabannay oo police iska dhigo inuu shaqaynayo laakiin baadhid cilmiyeysan lama sameeyo sababta khamrigan ka badan kii PARIS EE WADANKA SOO GELEYA MAXAA U SABABA. SOMALIDU waxay tidhaa AWR HEERYADIISA CUNAA, KUD HA DILEE WAAYAHA DAMBUU KURUSKU HOOLMAA. markaa hadday arimahan khamrigu sidaa wadanka ugu socdo laba QOLO oo bulshada somalida ka midi dhakhsay u dabar go ayaan dhalinyarada wax baratay ee calmaaniyiinta ah iyo dhalinyarada reer miyiga ah ee aqoontoodu madhantay ee miyi jooga ah.


Maxaa la Gudboon Xukuumadaa Somaliland kuwa jooga iyo kuwa soo socda Arintani imika buuqa geli say Somaliland ee Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo iyo khamriga iyo Daroogada soo geleyaan Wadanka Somaliland xidhiidh weyn baa ka dhexeeya laakiin suaashu waa Mushkiladdan ballaadhan ee wadanka ku hab satay ma ka badbaadi karnaa weeye laakiin kama badbaadi karno weeye waayo diyaar uma aha Afarta QOLO ee Somaliland ka taliyaa waa XUKUUMADA, TIJAARTA, CULIMADA IYO XUSBIYADU. INTUBA DANO U GAAR KA AH AYEY KU FOOGGAN YIHIIN.


M A BASHE

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...