Aqoontu Ha Waarto Jahliguna Ha Suulo Somaliland Kolba Shaadhka Losooxidhanayo Halaga Feejigaado.
W/Q: Hamse Riiraash.
Aqoontu sideeduba waa horumarka bini aadamka is dhaafiya .waana
waajib barashadeedu kollay ciddii dhigaysa muhiim maaha ma gaalbaa mise
waa Muslim balse in wixii cilmiya in laga Barto qof walba taas malaha
cid diidaysaa ma jirto.
Sida aanu ku maqalnay axaadiista qaarkood ayaa sheegaya ka dalbada aqoonta haba ahaatee dhulka shiinaha.
Haddaad u fiirsato maadiga lafteeda iyo cilmiyadii ay aba furka u ah
ee islaamka laftoodu markii ay dhulka yurubta yimaadeen ee andalos
keeneen.
Waxa ay reer yurub ka barteen Isla xadaarada maanta ee ibnu siinaay
iyo aqoon kasta oo ay maanta ku naaloonayaan ee sayniska iyo
technologyada dariiqeeda u mareen.
Somaliland Mudo dhowr iyo labaatan sanno ayay dadkeedu ku
dadaalayeen nabadooda horusocodkooda iyo istiqraarkooda iyo in ay
ilaashadaan qaranimadooda
Muddadaasi kolba waala docodocoynayay si kolba loogu furo mawjad iyo qaylo badan oo waji badanleh.
Intaaba way dhabar adaygayeen wayna xamilayeen iyagoona ku fara adkayay nabadooda iyo horudocodkooda.
Haddaad u fiirsado diin ahaan iyo nabad ahaan meel ka nabad badan oo ay soomaali maanta joogto lasoo helli maayo.
Waxbarashada waa aqoon guud oo loo simanyahay barashadeedu. Baryahan
waxaan maqmaqlayaa buuq badan oo ka socda baraha bulshada tana waa arrin
larabo in Lagu mijaaxaabiyo dalkan tashaday ee isku tashday ee wada
tashaday talladooduna meel martay
Dada reer Somaliland nabadiina ku fara adayga ka gaashanata dabaylaha
iyo dufaanada la rabo in lagu mijoxaabiyo Waxa aad nabnabadeen iyo
horumarkiina Somaliland ha noolaato
Hamse Riiraash.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





