Saameynta Magaca 'Daalibaan' Ku Yeeshay Hargaysa
16-kii bishan aynu ku jirno waxa soo baxay warka sheegayaa in xerta Daalibaan ay gacanta ku dhigeen caasimadda Afgaanistaan ee Kabul. Warbaahinta adduunka iyo tan Soomaalida ayaa si weyn u faaqidayey qabsashada Daalibaanka. Arrintaasi waxa ay keentay in dhegaha iyo indhaha reer Hargaysa ay ku badatay magaca DAALIBAAN. Dhawr arrimood ayaan goob joog u ahaa oo magacaa Daalibaan dadka ku keenay:
= Makhaayada ay inta badan fadhiistaa wadaaddadu ayuu dhawaan soo galay oday reer magaal ah, waxaanu cod dheer ku yidhi” waar meesha ma Daalibaan ayaa qabsatay waa maxay waxan oo khamiis ahi”. wadaaddadii qaar ka mid ahi way qosleen, hasayeeshee mid ka mid ah ayaa dood iyo xanaaq uu ku dhaliyey hadlkii odaygu. Wuxuu odaygii ku yidhi” fikirka gaaladu ay Islaamka ka haystaan ayaad aamisan tahay, Daalibaan miyaanay niman muslim ah, maxaad dacaayad uga dhigaysaa” odayga oo u muuqday mid ay sarrayso adduun-aragiisu ayaa ugu falceliyey adigu haddii ay Islaam yihiin maxaad uga xanaaqday, anigu ma Maraykankii ay la dagaalamayeen ayaan ahayn. Wuu sii watay hadalkiisa odaygii waxaanu yidhi” bal eeg kaas hadalku damqayo haddii xukunka dalka loo dhiibo, siduu dadka Islaamka ah u xukumi, waxaasi waa waxa keenay in wadaaddadu ay maamulada ku fashilmaan” aakhirkii waar bal u kaadiya ayaa lagu dhexgalay.
= Annaga oo bas saaran oo
baska dad tiro yari saaran yihiin ayuu soo galay, nin aan da’ahaan ku qiyaasay
50 jir. Oo qiyaastii soo lugeeyey oo dhidid iyo hiinfaadh ka muuqdaan. Nin
khamiis xidhan oo cumaadi madaxa u saaran tahay uu khursi keligii fadhiyo, ayuu
si badheedh ah ugu yidhi” waar bal xagaasi u durug Daalibaanow”. Ninkii ayaa
cadho jidh noqday oo ugu af-celiyey " soo fadhiiso Joe Baydhanow” mise geesaha
ayaa la isla galay. Oo kii wadaadka weeraray ayaa dood keenay oo yidhi” anigu
dad Islaam ah ayaan ugu sheegeen maxaad gaalka igala doontay” wadaadkii ayaa ku
jawaabay” ujeedo kale ayaad ka lahayde yaanu hadalku ku damqin”. dadkii baska
saarnaa way isku dhagaysanayeen labada nin, lama kala dhexgelin. Markii dambe
ninkii weerarka ahaa ayaa wadaadkii ka raaligeliyey kaftankii.
= Dirawal bas aanu
saarnayn ayey dhexda ka soo fuuleen laba nin oo u muuqday inay yihiin
macallimiin wax ka dhiga madarasadahan Qur’aanka oo khamiis iyo koofiyado
xidhan. Dirawalkii ayaa markii baskii uu yara dhaqaaqay ku yidhi” waar labadaa
Daalibaanka ah lacagta ka soo qaada”. Koox dhallinyaro u badan oo wiilal iyo
gabdho isugu jirta ayaa baska u badan, markaasay qosol jaanta wadheen. Labadii
wadaad way xanaaqeen, oo mid ka mid ah ayaa yidhi” waar dibjiryow hoo lacagta
Daalibaan waa rag nool oo dalkoodii ka saaray gaaladiiye, ma waxaad moodaysaa
noocaagan oo kale” haddana waa lagu qoslay. Islaan u muuqatay inay kaftanka
fahamayso ayaa kala dhexgashay oo tidhi” waar ilaaqda joogi baslow adigaa
gardarrane, waa idinkuna jibjir ha ugu yeedhina, ileyn isagabu dad muslina ayuu
idinku sheegaye”. Oday mijin jaad ah sita ayaa kaftankii soo dhexgalay oo
yidhi” horta mar kasta oo la kaftamo maxay wadaaddadu la xanaaqaan?” muu se
caddeyn cidduu su’aasha weydiinayo. Ka dib Islaantii ayaa ugu jawaabtay
wadaaddadu ma kaftamaan waayo kaftanka ma wax aan dembi ahayn ayaa ka soo
raacaya”?. Odaygii oo u muuqday inay jawaabta islaantu deeqday ayaan hadal soo celin.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





