Cadho Ka Dhalatay Hadal Ay Madaxwaynaha Tansania Ka Sheegtay Dumarka Kubada Ciyaara

0
Tuesday August 24, 2021 - 09:15:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadho Ka Dhalatay Hadal Ay Madaxwaynaha Tansania Ka Sheegtay Dumarka Kubada Ciyaara

    sida uu muuqaalkooda u ekaaday awgiisna, nolosha guurka ay u tahay riyo oo kaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sida uu muuqaalkooda u ekaaday awgiisna, nolosha guurka ay u tahay riyo oo kaliya"

Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa lagu canbaareeyay hadal ay ku sheegtay in dumarka kubadda ciyaarada ee waddankaas ay leeyihiin "xabad fidsan" iyo in aysan lahayn qurux lagu guursan karo.



Samia Suluhu Hassan ayaa hadalkan carada weyn dhaliyay jeedisay xilli ay martigalineysay kooxda kubadda cagta ee ragga ee ay da'dooda ka hooseyso 23-ka sano. Waxay ciyaartoyda ku qaabishay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dar Es Salaam.


Samia oo 61 jir ah waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee abid madaxweyne ka noqota Tanzania.


Dhawaan waxay BBC-da u sheegtay in ay jiraan dad ka shaki qaba inay madaxweyne noqon karto, maadaama ay dumar tahay.


"Xitaa shaqaalaha dowladdeyda ayaa markii ugu horreysay igu diiday haweennimo, balse durbadiiba way aqbaleen hoggaankeyga," ayay tiri Ms Samia.

Hase yeeshee hadalkeeda ugu dambeeyay ayaa aad loogu dhaleeceeyay.


"Hadalka ay madaxweyne @SuluhuSamia ka sheegtay dumarka kubadda cagta ciyaara waa mid bahdil ku ah dhammaan haweenka," ayay tiri Catherine Ruge, oo ah madaxa garabka dumarka ee xisbiga mucaaradka, Chadema, horayna usoo noqotay xildhibaan.


Haweeneyda sameysa cilmi baarista jinsiga iyo caafimaadka maskaxda, @Sajokm, ayaa iyaduna sheegtay in ay aad "uga naxday" hadalkaas.


Dad kale oo aad u badan ayaa sidaas si la mid ah baraha bulshada ugu canbaareeyay madaxweyne Samia.


BBC-da ayaa isku dayday in ay la xiriirto mas'uuliyiinta xiriirka kubadda cagta ee Tanzania, si ay arrintan uga jawaabaan.


Maxay tiri Samia?

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dumarka kubadda cagta ciyaara ay farxad badan iyo magac usoo jiidaan dalalka Bariga Afrika, koobab badanna kusoo guuleystaan, balse qaarkood aysan heli karin fursadda guurka qaabka ay u ekaadeen dartiis.


"Haddii aan halkan isugu keenno oo aan saf gelinno, kuwa xabadkooda uu masaxan yahay waxaad moodeysaa inayba rag yihiin - dumar ma moodeysid," ayay tiri.


Waxay sheegtay in dumarka ciyaaraha qaarkood la guursaday, laakiin intooda badan aysan helin wax aroosa, "sida uu muuqaalkooda u ekaaday awgiisna, nolosha guurka ay u tahay riyo oo kaliya".


Meel kale oo khudbaddeeda ka mid ah ayay ku sheegtay in dadka ciyaaraha ay ku nool yihiin nolol adag marka ay xirfaddooda howlgab ka noqdaan, waxayna wasaaradaha ku shaqada leh ka codsatay in la xannaaneeyo marka ay howl gabaan.


Waxay hoosta ka xariiqday in dumarka ay si gaar ah nolosha ugu dhibaatoodaan "iyagoo lugahooda ay ku daaleen ciyaaraha, da'duna ay ka daba timid".


Madaxweyne Samia waxay xilka qabatay bishii March, iyadoo badashay madaxweynihii hore, John Magufuli, oo u geeriyooday wadne xanuun.


Waxaa madaxweynahaas si weyn loogu xasuustaa inuu iskuulka ka mamnuuci jiray haweenka uurka leh iyo hooyooyinka.


BBC

Loading...
Loading...