Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Maamul Goboleedyada Iyo Midowga Musharaxiinta?

0
Tuesday August 24, 2021 - 09:02:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Maamul Goboleedyada Iyo Midowga Musharaxiinta?

    Go'aanadii ay shalay soo saareen Golaha wadatashiga qaran ayaa hoos loogu dhimay awooda Guddiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aanadii ay shalay soo saareen Golaha wadatashiga qaran ayaa hoos loogu dhimay awooda Guddiga



Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa  kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed, kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu  soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran.

 

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la dar dargeliyo doorasooyinka, lana hirgeliyo habraacyadii uu Guddiga soo saaray.

 

Go’aanadii ay shalay soo saareen Golaha wadatashiga qaran ayaa hoos loogu dhimay awooda Guddiga doorashada Heer Federaal, waxaana Warar soo baxayay ay sheegayeen in Gudiga doorashada Heer federal ay tallaabadaas cabasho ka qabaan.

 

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha BFS, iyagoo u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee Baarlamaanka.

 

Kulamada looga hadlayo arrimaha doorashoyinka ayaa maalmaha soo socda kasii socon doona Magaalada Muqdisho si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.


Loading...
Loading...