Xildhibaan Shaaciyey Inuu Ka Shaqaynayo Sidii Golaha Wakiiladu U Soo Saari Lahaa Xeerka Xakamaynta Hadalada Turxaanta leh

0
Monday August 23, 2021 - 19:50:03 in News by
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Shaaciyey Inuu Ka Shaqaynayo Sidii Golaha Wakiiladu U Soo Saari Lahaa Xeerka Xakamaynta Hadalada Turxaanta leh

    Xildhibaan Shaaciyey Inuu Ka Shaqaynayo Sidii Golaha Wakiiladu U Soo Saari Lahaa Xeerka Xakamaynta Hadalada Turxaanta leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Shaaciyey Inuu Ka Shaqaynayo Sidii Golaha Wakiiladu U Soo Saari Lahaa Xeerka Xakamaynta Hadalada Turxaanta leh


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Nuur Guruje oo tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa shaaciyey inuu ka shaqaynayo sidii ay golaha wakiiladu u soo saari lahaayeen xeerka xakamaynta hadalada turxaanta leh.


xildhibaan Guruje ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi "Hadaladda turxaanta ah ama karaahiyadda ah waxaa laggu qeexaa hadaladda xad-gudubka ah sidda , cayda, hanjabadda ,ama kuwa ku salaysan isir faquuqa , midabka , gobolaysigga ama diinta ama madaahiibta .

Hadaladaas oo aduunka horre uga dhaliyay is nacayb ,cadaawad ,dagaalo iyo xasuuq uu ugu Danbeeyey kii ruwanda 1994 wadamo badan ayaa kasoo saarey xeerar mamnuucaya waxaana ugu danbaysay Ethiopia oo hadeer gacanta ku haysa .

Hadaba Somaliland oo qofku xor u yahey in uu rayigiisa ku cabiro af ahaan , suugaan ahaan , farshaxan ahaan iyo qoraal ahaan waxaa kusoo badanaya hadaladda dhiifta iyo qadafka ah ee saxaafada la isu mariyo had iyo jeeraale sidaa darteed Somaliland waxay joogtaa xiligii ay samsysan lahayd xeerkii mamnuuci lahaa hadaladda turxaanta ah ee xanbaarsan qabyaaladda , cadaawadda ama cayda in lagga mamnuuci saxaafadda , Lana jideeyo ciqaabtii ka dhalan lahayd saxaafada iyo cidii ku gafta xeerkaas .

Isha alla xeerarkaas waxaan ku dadaali doonaa in aan la wadaago golaha wakiiladda cilmi baadhis kooban iyo qoraalo aan ka diyaariyey .

Loading...
Loading...