Xildhibaan Taageersan KULMIYE Oo Soo Jeediyay In La Fududeeyo Codadka Xilka Lagaga Qaadi Karo Shir-guddoonka

0
Monday August 23, 2021 - 10:31:11 in News by
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Taageersan KULMIYE Oo Soo Jeediyay In La Fududeeyo Codadka Xilka Lagaga Qaadi Karo Shir-guddoonka

    Xildhibaan Taageersan KULMIYE Oo Soo Jeediyay In La Fududeeyo Codadka Xilka Lagaga Qaadi Karo Shir-guddoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Taageersan KULMIYE Oo Soo Jeediyay In La Fududeeyo Codadka Xilka Lagaga Qaadi Karo Shir-guddoonka


Xildhibaan Khadar Guun Jaamac oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland, islamarkaana kasoo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dood uu Shalay ka dhiibtay Wax ka badel ay ku sameeyeen Xeer Hooseedka Golaha Wakiilada, waxa uu si gaar ah u codsaday in lakhafiifiyo codadka lagu ridayo Shirgudoonka Golahooda, sidoo kale waxa uu soo jeediyay in Magacaabista Gudi Hoosaadyada ay soo wada magacaabaan Shirgudoonka oo isku duubani oo aan Gudoomiyaha oo qudha lagu dayn.

DAAWO: Xildhibaan Khadar Guun Oo Sheegay In La Weeraray Gurigiisa


Xildhibaan Khadar Guun oo inyar kadib doorashadii Golaha Wakiiladda Cusub taageeradiisa ula wareegay Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu u muuqdaa inuu wali Xasuusan yahay guuldaradii soo gaadhay Garabkii uu taageeray ee Kulmiye, waxaanu shalay ka dhiibtay Golaha, Dood dareen siyaasadeed Xambaarsan, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Qodobka Tobnaad ee ka hadlaya Xil ka xayuubinta Shirgudoonka ee laga dhigay 23 (Saddex Meelood, laba meelood), waxaan soo jeedin lahaa in intaasi laga khafiifiyo, oo aan sidaasi loo adkayn, bini-aadmigu Khalad waa sameeyaa, nin habari dhashay hal ma seegin waayin ayay Soomaalidu tidhaahdaa, laakiin way inay jiri kartaa Xad lagula xisaabtami karaa, anigu waxaan qabaa in laga dhigo mid fudud, taasi oo noqonaysa mid lala xisaabtami karo”.

Waxa kale oo uu yidhi "Haddii Khilaaf soo noq noqdaa uu dhex maro Gudoomiyaha iyo xigeenkiisa, si ay noogu fududaato, waa Xildhibaano nala mid ah oo aanu ku maamuusnay inay Shirgudoon noo noqdaan, si aanay noogu noqon fardo aan waligoodba la gaadhi Karin, oo lala xisaabtami karo, maadaama oo Madaxweynihii dhamaa ee Qaranka ee Awooddii ugu badnayd ee Dastuurka leh, oo ah Madaxweynaha laga soo doortay dalkoo dhan ee doorashada intaasi leeg kusoo baxay in "Absolute Majority” lagu ridayo, waa wax taariikhda dhacday oo Shalay Alle ha unaxariistee, Madaxweyne Cigaal lagu sameeyay, oo uu Hal Cod kaga baxsaday,oo halkaa uu maanta inoo fadhiyo Cabdirisaaq oo uu fadhiyay Alle ha unaxariistee Qaybe, uu codkiisii ku bad baaday”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi "waxaan leeyahay halkaasi halagu celiyo, anigoon duritaan, bari had riftidiyo, hakuu fududaato iyo, luquta aad ka jabisid aanay iga ahayn eh laakiin sidaasi, qodobkaasi waxaan leeyahay, tii Madaxweynaha loo yeeli waayay, in idinka la idiin yeelo aniga la igulama qumana, tan aynu maanta ka hadlaynaana waa xeer hoosaadkii aynu awoodda u lahayn, waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in Magacaabista Gudi hoosaadyada Golaha aad shirgudoon ahaan wada magacawdaan si aan khilaaf uga dhawrsanno, oo aanu Gudoomiyaha oo qudh ahi magacaabin”.

Doodan Khadar ayaa waxa ay u muuqataa mid ka shidaal qaadanaysa hadal badan oo maalmihii u dambeeyay aad usoo ifbaxday taasi oo ku qotontan ismarin waa u dhexeeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Khaliif oo Xisbiga WADDANI kasoo baxay iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Siciid Mire Giire.

 


Loading...
Loading...