Siyaasi Jaamac Maxamed Qaalib Oo Aaminsan Mabda' Soomaali Weyn Oo Wakhti Kooban Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa Iyo Qaabkii Markii Dambe Loo Sii Daayay

0
Monday August 23, 2021 - 10:21:34 in News by
  • Visits: 3866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jaamac Maxamed Qaalib Oo Aaminsan Mabda' Soomaali Weyn Oo Wakhti Kooban Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa Iyo Qaabkii Markii Dambe Loo Sii Daayay

    Siyaasi Jaamac Maxamed Qaalib Oo Aaminsan Mabda' Soomaali Weyn Oo Wakhti Kooban Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa Iyo Qaabkii Markii Dambe Loo Sii Daayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jaamac Maxamed Qaalib Oo Aaminsan Mabda' Soomaali Weyn Oo Wakhti Kooban Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa Iyo Qaabkii Markii Dambe Loo Sii Daayay

"

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ka mid ah odayaasha reer Somaliland ee sida weyn ula dhacsan, walina aan ka tanaasulin mabda’a Soomaali weyn, muddo dheerna ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dorraad ka soo dagay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport halkaasi oo muddo dhawr saacadood ah ciidamada ammaanku ku hayeen kadib markii ay si kedis ah ugu qabteen isaga oo ka soo degay diyaarad uu ugu soo safray Hargeysa.

General Jaamac Maxamed Qaalib Oo


Ilo-wareedyo u dhuun daloola qabashada ciidamada ammaanku ay Madaarka Hargeysa ka qabteen siyaasi Jaamac Yare ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in ciidamada ammaanku markii ay Madaarka ku qabteen Janaraal Jaamac Maxamed Qaabil waxa dhacday in muddo kooban kadibba ay ciidamadu halkaasi ka sii daayeen isaga iyo qof ehelkiisa ka mid ah oo ay wada socdeen.

Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay noo sheegeen in Markii uu Jaamac Yare dorraad Madaarka Hargeysa ka soo degay ay ciidamadu muddo Madaarka ku hayeen kadibna la war geliyey Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland kuwaasi oo iyaguna muddo kooban kadib markii ay Madaxtooyada ku war galiyeen safarka Jaamac Yare iyo in Madaarka lagu hayo la sheegey in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyay in la sii daayo Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa dadka ugu caansan siyaasiyiinta Somaliland ee muddoda dheer sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland.

Inkasta oo aanu muddooyinkii ugu dambeeyey wax xilal ah Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) ka qaban xukuumadda Soomaaliya haddana waxa ay ahayd Bishii July, sagaalkeedii Sannadkii 2017 Markii Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) u magacaabay guddoomiyaha guddiga taakuleynta ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, balse Jaamac Yare xilkaasi uu ka cudurdaartay. Siyaasi Jaamac Yare oo maalmahaasi wax laga waydiiyay sababta uu uga cudur daaryay xilka Farmaajo u magacaabay ee Guddida taakulaynta Ciidamada ayaa waxa uu yidhi: "Labo sabab ayaan u diiday. Horta ciidan qaran taakuleyn iyo tabarucaad laguma dhisi karo, aniguna tabar uma hayo oo xil qaran waan ka gaboobay.”

Inkasta oo ay jiraan masuuliyiin iyo siyaasiyiin aaminsanaa mabda’a Soomaali weyn oo hore cafisyo u soo waydiistay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, haddana mar uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland ka hadlayay arrintan waxa uu sheegay in ay tahay arrin ay il gaar ah ku hayaan oo ay tallaabo adag ka qaadi doonaan siyaasiyiinta reer Somaliland ee Muqdisho u jooga mada’a Soomaaliweyn balse ma uu xaqiijin waxa ay mudan doonaan kuwa aan xilalka wakhtigaasi hayn ee haddana dalkooda dib ugu soo laabta ama safarrada ku yimaadda.

Siyaasi Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo dawladdii Soomaaliya mar ahaan jiray taliyihii ugu horreeyey ee sirdoonka Soomaaliya ayaa wakhtigan isagoo 88 jir ah waxa uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho oo uu macallin ka yahay jaamacadaha SIMAD iyo CITY oo uu illaa sannadkii 2013kii ka dhigayay taariikhda siyaasadda Soomaaliya.

"Magaalada Muqdisho iyo dadkeedaba waan jeclahay. Cimrigayga inta ugu badan iyada ayaan ku qaatay. Maalmihii xorriyadda oo aan imid aniga oo 27 jir ah ilaa iyo maanta oo aan 88 jir ahay waqtigii ugu badnaa ee aan Muqdisho ka maqnaa waa markii Itoobiya nagu soo duushay 2006dii oo aan 5 sano ku maqnaa Asmara, Eritrea” ayuu yidhi Janaraal Jaamac Yare oo sannadkan horraantiisii waraysi warbaahintu la yeelatay.

Lama oga in Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib uu dalka u soo guuray iyo in uu kaliya safar kooban ku yimid oo uu muddo kadib ku laabanayo Muqdisho.

 

Loading...
Loading...