Somaliland Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyey Inay Iska Kaashadaan Dhinaca Waxbarashada

0
Monday August 23, 2021 - 10:19:22 in News by
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyey Inay Iska Kaashadaan Dhinaca Waxbarashada

    Somaliland Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyey Inay Iska Kaashadaan Dhinaca Waxbarashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyey Inay Iska Kaashadaan Dhinaca Waxbarashada


Dowladda Kenya, ayaa waxaa ay dowladda Somaliland markii ugu horeysay ka caawinaysaa dhanka Waxbarashada.




Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, iyo Wasiirka waxbarashad Kenya George Magoha oo kulan ay wada qaateen waxaa ay kaga wadahadleen sidii loo kordhin lahaa, iskaashiga ka dhaxeeya labadda dhinac.

Wasiir Toorno, ayaa tilmaamay in safarkiisa u jeedooyin kala duwan xambaarsan yahay, isagoo sheegay tan koowaad inay tahay wada xaajood ay la yeelanayaan hay’addaha deeqda waxbarasho siiya.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay inay doonayaan in xidhiidhka waxbarasho ee Kenya ay la leeyihiin inay doonayaan inay balaadhiyaan.

Wasiir Toorno, ayaa waxaa uu sheegay inay si gaar ah u danaynayaan in laga kaalmeeyo jaamacadaha Somaliland dhanka tayaynta waxbarashada, cilmi baadhista iyo farsamada gacanta.

Somaliland iyo Kenya, ayaa leh xidhiidh xaga waxbrashada la xidhiidha, iyada oo macalimiin Kenyan ah ay ka shaqeeyaan hay’addaha waxbarashada Somaliland.

Waxaana la sheega in tirada macalimiinta ugu badan ee Kenyan ka ah ee ka shaqeeya waddamada Geeska Afrika ay Somaliland marti galiso.


Loading...
Loading...