Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Muuse Biixi

0
Monday August 23, 2021 - 09:52:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Muuse Biixi

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Muuse Biixi Iyo Wasiiradiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Muuse Biixi Iyo Wasiiradiisa

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si kooban uga hadlay nuxurka kulan dhex-maray Muuse Biixi, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubnaha shirguddoonka golaha wakiillada.



Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yidhi sida tan:


"Waxa aannu qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kula yeelannay kulankii koowaad ee rasmi ah Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayeen Wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa si aanu uga wada hadalno isla markaana isula jeexjeexno wada shaqaynta Dastuurku waajibinayo ee ka dhaxeysa waaxda fulinta iyo waaxda sharci dajinta si loo helo isu dheelitirnaanta awooda Qaranka iyo Isla xisaabtanka Hay’adaha Dawladda.


Madaxweynaha iyo Wasiiraddiisa waxa aan uga mahadcelinaynaa sida qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen.”

Loading...
Loading...