Maxaa Kala Haysta Facebook, Twitter Iyo Itoobiya?

0
Monday August 23, 2021 - 09:11:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kala Haysta Facebook, Twitter Iyo Itoobiya?

    "Baraha bulshada ayaa durbadiiba warkaasi si culsu ugu baahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Baraha bulshada ayaa durbadiiba warkaasi si culsu ugu baahay"

Itoobiya ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay samaysato baro bulsheed u gaar ah ka dib markii ay ku eedeysay shirkadaha caalamiga ah sida Facebook in ay ka soo horjeedaan danaha dalkaas.



Agaasimaha Wakaaladda Amniga Shabakadda Warfaafinta ee dawladda, Shumete Gizaw, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Facebook iyo Twitter ay noqdeen aalad ay adeegsadaan xoogagga siyaasadeed, ee lidka ku ah dalkan.


Wuxuu dhaleeceeyay in bogagga qaar la xanibay oo laga saaray waxyaabihii ku keydsanaa.

Kahor doorashooyinkii bisha Juun, Facebook ayaa sheegtay inay ka saartay shabakad akoonno been abuur ah ahayd oo ku xidhiidhsanayd hay'adda dowladda ee u xilsaaran dabagalka isgaadhsiinta iyo internetka.


Mr Shumete ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay horumarinayso, isla mar ahaantaana samaysan doonto aalado beddeli kara barnaamijka farriimaha la isugu diro ee WhatsApp iyo madasha muuqaalka tooska ee lagu magacaabo Zoom.


Warbixin dhawaan BBC ka diyaarisay ayaa daaha ka feydaysay, sida marinhabaabinta dhanka xogtu ay caadi ugu noqotay dalka Itoobbiya, gaar ahaan muddooyinkan dambe bee colaaddu ay ka taagnayd dalkaas.


Horaantii bishaan ayaa weerar madaafiic culus lagu soo qaaday xarun caafimaad oo ku taal Canfarta.


Baraha bulshada ayaa durbadiiba warkaasi si culsu ugu baahay iyadoo la sheegayo in ka badan 100 qof ay dileen dagaalyahannada Tigreega, hashtag -ka loogu magac daray #AfarMassacre ayaa durbadiiba noqday mid si weyn u baahay


BBC-da ayaa la hadashay dhakhtar isbitaal oo gudaha, kaasoo sheegay in 12 qof oo halkaas la keenay ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaadhay, laakiin ma jirto cid na siin karta tirada rasmiga ah ee goobta ku dhimatay.


Falaagada ayaa beenisay weerarkaas waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan baadhitaan.

Sheegashooyin kala duwan oo qolaba dhanka kale eedda saarayso, ayaa maalintii lagu kala faafinayaa bogagga bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook iyo Twitter, kuwaas oo ka kala imanaya dowladda, TPLF, shacabka qurbaha iyo kuwa kala taageersan labada dhinac.


Iyada oo khadka telefoonka iyo intarneetka ay maqnaayeen guud ahaan Tigray muddo ku dhow laba bilood hadda, haddahna helidda macluumaadka gobolka ayaa ahayd wax aan macquul ahayn.

Dowladda federaalku waxay sheegeysaa in khadadka isgaarsiinta aan la soo celin doonin ilaa ay jabhaddu aqbasho xabbad -joojin.


Dagaalyahannada Tigreega ayaa sheegaya inaysan aqbali doonin xabbad -joojin illaa xannibaadda laga qaado oo dhammaan ciidammada cadowga ay gobolka ka baxaan.


Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday, malaayiin kalena way barakaceen. Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.


Kaddib guulaha ay gaareen kooxda TPLF, Mr Abiy wuxuu ku baaqay "dhammaan dadka da'da ah ee Itoobiyaanka ah ee kartida leh" inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah fallaagada.


Wadahadalka siyaasadeed wuxuu u muuqdaa mid fog. Dagaalka dhanka xogta, eek a taagan internetka waa tusaale muujinaya sida loo kala fog yahay.


BBC

Loading...
Loading...