Muuse Biixi Oo Kulankii Ugu Horeeyey La Yeeshay Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada

0
Sunday August 22, 2021 - 20:13:55 in News by
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Kulankii Ugu Horeeyey La Yeeshay Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada

    Muuse Biixi Oo Kulankii Ugu Horeeyey La Yeeshay Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Kulankii Ugu Horeeyey La Yeeshay Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilladu, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.


Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha wakiilladu ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Dhinaca shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Mudane Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad mudane Cali Xaamud Jibriil.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, beard, people sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, wrist watch, suit and indoor
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Loading...
Loading...