"Anigu Ma Aaminsani In Madaxweynaha Fadhiga Looga Kaco...." Xildhibaan Ahmed Yaasiin

0
Sunday August 22, 2021 - 15:43:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anigu Ma Aaminsani In Madaxweynaha Fadhiga Looga Kaco...." Xildhibaan Ahmed Yaasiin

    "Anigu Ma Aaminsani In Madaxweynaha Fadhiga Looga Kaco...." Xildhibaan Ahmed Yaasiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigu Ma Aaminsani In Madaxweynaha Fadhiga Looga Kaco...." Xildhibaan Ahmed Yaasiin


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Ahmed Yaasiin oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in fadhiyadda uu kala soo qayb-gallaayo Muuse Biixi Cabdi inaan fadhiga looga kicin, balse siddii kale ee ixtirraam loogu muujin karro la sameeyo.
May be an image of 1 person and sitting


Xildhibaan Ahmed Yaasiin waxa uu Xildhibaannada golaha Wakiillada u soo jeeddiyay inay qaataan oo isticmaallaan Kalmadda HUUNO, taasoo uu sheegay inay kaga maarmi karraan Budhkii iyo Toorraydii, isagoo la kaftamaaya Xildhibaannada aqalkaas ee ka soo jeedda gobollada Barriga waxa uu sheegay inay kalmaddaas kaga maarmi karraan Budhkii iyo Toorraydii.

"Madaxwaynaha qaranku marka uu soo galo yeynaan istaagin waan aaminsanahay, laakiin waxaan jelelahay in madaxwaynaha si kale oo ixtiraamo, isagu wuu ina salaami oo gacanta ayuu taagi, inaguna gacanta ayaynu kor u qaadi oo waxaynu odhan HUUNO soo dhawaw.

"Waatii laga hadlayay in aan golaha hub lala soo gali karin, qolodayada reer galbeedka kolay hub ma qaadano, budh ma qaadano, toorayna ma qaadano’e hayga raali ahaadaan saaxiibaday.”

"kalmada HUNO waa in goloheenu qaataa (isticmaalka) si aynu uga maarano tooray, baaskoolad iyo wax aynu iska baadhno insha alaah”. Ayuu yidhi Xildhibaan Ahmed Yaasiin 

Loading...
Loading...