Golaha Cusub Ee Wakiilada Oo Wali U Kala Qaybsan Mucaarid Iyo Muxaafid

0
Sunday August 22, 2021 - 12:02:35 in News by
  • Visits: 1743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Cusub Ee Wakiilada Oo Wali U Kala Qaybsan Mucaarid Iyo Muxaafid

    Golaha Cusub Ee Wakiilada Oo Wali U Kala Qaybsan Mucaarid Iyo Muxaafid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Cusub Ee Wakiilada Oo Wali U Kala Qaybsan Mucaarid Iyo Muxaafid

Golaha Cusub Ee Xubnaha Golaha Wakiilada, Somaliland ayaa Wali u Muuqda in ay Ku Kala Qeybsan Yihiin, Labadii Dhinac ee ay Ku galeen Doorshadii, Gudoomiyaha iyo Shirgudoonka Golaha taas oo Siweyn Looga Dareemayo Kala aragti duwanaanshaha Dooda ay Wakhtigan Ku gudajiraan, ee Wax Ka badelka iyo Kaabista Xeer Hoosaadka Golaha.
No description available.



Marka, hoos loogu dhaadhaco, Dareenka jawiga Mudanayaasha iyo, aaraada Nuxurka Dooda waxaa ka Muuqda, in aanay, Wali Meesha ka Maqnayn, Saluuga Qeyb Kamid ahi, Ka Qabto Gudoomiyaha Golaha iyadoo, ay Ka Muuqato in aaney Wali u qudhqudhsamin Xubnaha Xildhibaanada Muxaafidka ah, Hogaaminta Fadhigan Bilawga ah, taas oo aad Moodo in Wali ololihii Loolanku Qeydhiini Yahey Islamarkaana, Wajiyadooda ka Muuqato in ay laabta ku hayaan Rogaal Celin Kale Inkastoo, aanay Xiligan Suurtagal aheyn, In ay Si Fudud u Heli karaan Kooramka Lagaga Takhalusi karo Gudoomiye Khaliif oo Noqonaya in ay Dhinac Ka noqdaan in ka badan 50 Xildhibaan ugu Yaraan 55 Mudane iyadoo Aynu ognahay in aan 39kii Xildhibaan iyo 42kii Xildhibaan Xaalad isbadelkeedu Iman karo Marxaladan.

Sikasta, oo ay Tahey ajnadaha Dooda Xeer Hoosaadka, ayaa u Muuqata, in dardar kala hororsi ahi, ka Muuqato Sida loogu bashinayo Baraha Bulshada aynu eegno halka ay uga Gudbaan iyo Biyo dhigooda Dambe.

Loading...
Loading...