Xisbiga Waddani Muuse Biixi U Soo Jeediyey In Guddi Madax Banaan Oo Baadhiseed Loo Sameeyo Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

0
Sunday August 22, 2021 - 11:53:10 in News by
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Muuse Biixi U Soo Jeediyey In Guddi Madax Banaan Oo Baadhiseed Loo Sameeyo Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

    Xisbiga Waddani Muuse Biixi U Soo Jeediyey In Guddi Madax Banaan Oo Baadhiseed Loo Sameeyo Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Muuse Biixi U Soo Jeediyey In Guddi Madax Banaan Oo Baadhiseed Loo Sameeyo Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

Hargeysa(HWN):-xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo jeediyey in guddi madax banaan loo saaro si ay u soo baadhaan waxyaabaha ka jira eedaymaha loo jeedinayo dugsiga Abaarso iyo jaamacada Barwaaqo.
May be an image of 1 person


xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa fariin uu soo saaray oo toos ugu socotay Muuse Biixi waxa uu ku soo jeediyey in guddi madax banaan loo sameeyo baadhida hay'addahaasi waxbarasho. waxaanu yidhi "Marka wax diinteena, dhaqankeena, akhlaaqdeena iyo qiyamkeena ka soo hor jeeda la inoo sheego in laga wado goobo wax barasho oo wadankeena ku yaala. Waajibka koowaad ee ina saarani waa inaan hubino oo baadhno. Maaha inaan dafirno ama dad-kii arintaas ka hadlay xidhxidhno.

Mudane madaxwayne waxaa lagugu dhaariyay inaad masuul katahay ilaalinta diinta islaamka. Umad waliba waxay leedahay qiyam u gaara oo ay ilaashato, inaga qiyamkeena ay tahay inaan wada ilaalino waa diinta islaamka. Ma dafiri karno in macalinku ardayga uu wax u dhigaayo uu saamayn wayn ku leeyahay hab fikirkiisa iyo dhaqankiisaba. Waxaa waajib ah in xukumadu ildheer u yeelato wax kasta oo diinteena dhaawac u gaysan kara gaar ahaan waa in la baadho oo la hubiyo cid kasta oo aan caruurteena u ogolaanayno inay wax u dhigaan inay yihiin dad aan u socon arimo diimeed ama soo raris dhaqano aan diinteena iyo dhaqankeena ku banaanayn.

Arinta hada taagan waxaa haboon in madaxwaynuhu gudi madax banaan oo baadha u saaro si shacbigu u helo kalsooni buuxda inay xukumado ilaalinayso diinteena iyo dhaqankeenaba. Coldoona waa ina ama la sii daayo ama danbiga loo haysto maxkamad si degdeg ah loogu geeyo.

Loading...
Loading...