Shirka doorashooyinka oo maalintii Labaad galay iyo Qodobo xasaasi ah oo miiska saran

0
Sunday August 22, 2021 - 10:47:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka doorashooyinka oo maalintii Labaad galay iyo Qodobo xasaasi ah oo miiska saran

    Shirkan oo si rasmi ah u furmay shalay ayaa maanta waxay madaxda uga hadli doonaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo si rasmi ah u furmay shalay ayaa maanta waxay madaxda uga hadli doonaan



Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhaxeeya Raysal wasaaraha Soomaaliya madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo si rasmi ah u furmay shalay ayaa maanta waxay madaxda uga hadli doonaan howlaha dhameystirka doorashooyinka dalka sidii loo dardar gelin lahaa iyo wali sidii loo raadin lahaa dhaqaalaha ku baxaya doorashada dalka.

 

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxaayay warar sheegaya in dowlad goboleedyada qaar ay doonayaan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal Magaalo iyo in la dhimo tirada Ergada dooraneysa Golaha Shacabka, halka kuwa qaar ay kasoo horjeedaan, taas oo la filayo in la isla soo hadal qaado maanta.

Bulshada Soomaaliyeed iyo waliba daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa si gaar ah isha ugu haaya go’aanada kasoo bixi doona shirkan golaha wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka socda teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho
Loading...
Loading...