Faah Faahin Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0
Sunday August 22, 2021 - 10:25:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

    Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Marxuumka lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Marxuumka lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan




Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in Xalay lagu dilay Dalka Koonfur Africa, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi loogaystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed.

 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Marxuumka lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, kadib markii koox Tuugo ah ay ku weerareen Goobtiisa ganacsi, waxaana la sheegay in kooxdii burcadda aahyd ee weerartay Muwaadinka ay goobta isaga baxsadeed, iaydoo sida al sheegay aysan jirin cid daba gashay markii falku dhacay.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Farayare, waxaana uu ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koofur Afrika ku ganacsata, waxaana la sheegay in markii dulku dhacayay uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsiga oo ku taalla Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

 

Booliska Magaalada ayaa la sheegay in goobta dilku ka dhacay ay goor dambe goobta gaareen, iyadoon ilaa hadda la shaacin cid ay u soo qabteen dilkaasi, waxaana inta badan dalkaasi ka dhaca dilalka bareerka ah ee Ganacsatada Soomaaliyeed loo gaysto.

 

Habeen ka hor ayey aheyd markii isla Magaalada Cape Town lagu dhaawacay Laba Muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Jeceelow iyo Xundubeey.


Loading...
Loading...