Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Sikulul Uga Hadlay Dilkii AMISOM Ay Dadka Rayidka Ah Ugaysatay

0
Sunday August 22, 2021 - 09:05:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Sikulul Uga Hadlay Dilkii AMISOM Ay Dadka Rayidka Ah Ugaysatay

    "Safiirka iyo taliyaha waxay ii sheegeen in dadkii falkaas gaystay gacanta lagu hayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Safiirka iyo taliyaha waxay ii sheegeen in dadkii falkaas gaystay gacanta lagu hayo

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin, raallina aanay ka ahayn in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto.



Raiisul wasaaruhu waxa uu hadalkaasi sheegay kaddib markii uu kulan la qaatay safiirka waddanka Uganda u fadhiya magaalada Muqdisho iyo taliyaha qeybta ee howlgalka ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo ay ka wadahadleen, sidii xal looga gaari lahaa dadkii ay AMISOM dhawaan ku dhileen degmada Golweyn, gobolka Shabeellaha Hoose.


Mr Rooble waxa uu sheegay inay "Xaqiiqdii [dhacdadaas waxa ay aheyd] arrin foolxun, oo aad iyo aad aan uga danqannay haddaannu nahay dowladda Soomaaliyeed"


Ra'iisul wasaaraha oo ay xafiiskiisa ay tacsi ugu tageen safiirka Uganda ee Muqdisho iyo taliyaha sector-ka AMISOM ayaa sheegay in "Iyagana waan u sheegay, shacabka Soomaaliyeedna waan u sheegayaa marna aqbali maynno raallina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto, haddii ay tahay ciidammo AMISOM, haddii ay tahay ciidammo Soomaaliyeed,"


Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu intaasi ku daray in shaqadiisa ay tahay in shacabka Soomaaliyeed uu dhibaatada ka ilaaliyo haddii ay wax soo gaaranna uu xaqooda u soo dhicin doono "Shacabka Soomaaliyeed waa lama taabtaan oo haddii gacan ka gardaran ay wax u gaysatana annagaa diyaar u ah inaan u istaagayno naloona igmaday inaan xaqooda u istaagno,"

Dhanka kale ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu tacsi u diray ehellada dadkii Shabeellaha Hoose lagu laayay.


Sida ay wax u dhaceen

10-kii bishan Agoosto ayey aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya in todobo qof oo rayid ah isku meel ay ku dileen ciidammada AMISOM kaddib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.


Isla barqadii maalintaas ayaa kolonyo ciidammada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ay wadada u galeen Al-Shabaab halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay.


Dagaalka kaddib ayaa la sheegay in ciidamada Uganda ay shan qof oo rayida kala baxeen beer ku taala meel u dhow halka uu dagaalku ka dhacay, sidoo kalena laba darawal oo kalena kala dageen gawaaridii ay wateen.


Gudoomiyaha deegaanka Shalambood, Nuur Cusmaan Raage, oo BBC Somali la hadlay ayaa AMISOM ku eedeeyay in dadkaas rayidka ah ay dileen "Inta indhaha ka xireen ayey ku fariisiyeen miino ka dibna way ku qarxiyeen", ayuu yiri Nuur.


Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo codsaday in aan magaciisa la shaacin oo aan wax ka weydiinay dhacdadaasi ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi aanay wali maqlin balse ay xog dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan raadin doonaan.


Balse Gudoomiyaha Shalambood wuxuu yiri: "Iyadoo xabado la isku ridaayo haddii dadka ay dhintaan, qofba meel ayuu ku dhimanayaa. Dadkaan waa dad la soo uruuriyay oo gacmaha iyo indhaha laga xiray ka dibna la laayay waayo", ayuu yiri.


"Safiirka iyo taliyaha waxay ii sheegeen in dadkii falkaas gaystay gacanta lagu hayo, maxkamadna la saari doono. Sidaas darteed annaga waan daba galaynaa,"


AMISOM oo barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ku saabsanaa dagaalkii maanta waxay sheegtay: "Intii is difaacidda ay socotay, 7 argagixiso ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, hubna waa la soo qabtay."


"AMISOM waxay bogaadineysaa geesinimada iyo howlgalka degdegga ah ee askarteeda oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay", ayaa ku xusan qoraalka.


Dhageyso Wareysiga uu Weriyaha BBC ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan la yeeshay Gudoomiye Nuur.


Guddi wasiirro ah oo arrinta loo saaray

Kulanka maanta ee ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Uganda iyo AMISOM ayaa waxa uu imanayaa xilli maalmahanba ay magaalada Muqdisho dibadbaxyo ka dhigayeen ehelada dadkii dhawaantan ay AMISOM dileen.


Hasayeeshee madaxweynaha waddanka Uganda, Yuweri Museveni, ayaa todobaadkii tegay sheegay in la xiray askartii dalkiisa u dhalatay ee dilkaasi geystay islamarkaana la bixin doono magta dadkii lalaayay.


Balse ehellada dadkii lalaayay arrintaas kuma aanay qancin, oo waxa ay sheegeen inay doonayaan in magaalada Muqdisho oo ay AMISOM saldhigga ugu wayn ku leedahay in xalka arrintaas loogaga gaaro.


Dhanka kale ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu guddi ka kooban afar wasiir u saaray inay soo baaraan dadkii rayidka ahaa ee ay Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose.


"Waxaan magacaabay guddi wasiirra ah, wasiirka amniga, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka cadaaladda, oo bari halkan kula kulmi doona safiirka [Uganda] iyo Amisom, arrintaas ayeyna ka hadli doonaan," ayuu yiri Rooble.


Waxa uu ra'iisul wasaaruhu intaas ku daray inuu doonayo in baaritaan arrintaas lagu sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badanna looga jawaabo waxna looga qabto


BBC

Loading...
Loading...