War Deg Deg Ah:-Maamulka Abaarso Networ Iyo Jaamacada Barwaaqo Oo War Ka Soo Saaray Doodihii Hadheeyey Nidaamkooda Waxbarasho

0
Saturday August 21, 2021 - 22:55:04 in News by
  • Visits: 4251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Maamulka Abaarso Networ Iyo Jaamacada Barwaaqo Oo War Ka Soo Saaray Doodihii Hadheeyey Nidaamkooda Waxbarasho

    War Deg Deg Ah:-Maamulka Abaarso Networ Iyo Jaamacada Barwaaqo Oo War Ka Soo Saaray Doodihii Hadheeyey Nidaamkooda Waxbarasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Maamulka Abaarso Networ Iyo Jaamacada Barwaaqo Oo War Ka Soo Saaray Doodihii Hadheeyey Nidaamkooda Waxbarasho

Maamulka Abaarso network oo ah dallad ay hoos yimaadaan Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, ayaa ka hadlay dooddihii maalmihii u dambeeyey hadheeyey Iskuulkaas iyo Jaamacaddaasi, iyaga oo si gaar ah uga hadlay haweenayda shaqadeeda buuqu hadheeyey Ms. Joyo Isa.


Maamulka Abaarso Network, ayaa war-saxaafaddeed ay soo saareen ku sheegay in aanay haweenaydaas wax xadgudub ah ku samaynin heshiiskii shaqo ee ay la galeen oo ay ka mid ahayd in ay ixtiraamto siyaasadda iyo anshax shaqo ee u dejisan Iskuulkaas oo ah in aanay waxyaabaha ay aamisan tahay shakhsi ahaan iyo diin ahaanba aan mamnuuc ka tahay in ay la wadaagto ardayda ay waxbarayso iyo shaqaalaha ay maamushoba.

Maamulka Abaarso, waxa ay ku ammaaneen haweenaydan in ay tahay mid aqoon iyo waayo aragnimo muddo dheer ah u leh waxbarashada iyo aqoonteeda.
Mar ay ka hadlayeen muuqaallo baraha bulshada la soo geliyey oo la xidhiidha, iyada oo ka shaqaynaysa arrimo la xidhiidha faafinta Diinta kiristaanka, waxa ay sheegeen in hawlahaas ay ahaayeen ka hor intii aanay ku soo biirin Jaamacaddaha iyo bahda Abaarso.

Maamulkan, waxa ay sheegeen in ay Iskuulkooda iyo Jaamacadooda marmar badan ay soo booqdeen madaxda ka socota Dawladdu, toosna ula hadleen Ardayda iyo shaqaalahaba. Imikana ay diyaar u yihiin in ay yimaadaan oo ay waraystaan ardayda iyo waalidiintoodaba.

No photo description available.


Loading...
Loading...