Xukuumada Oo Shaacisay Baadhis Ay Ku Samaynayso Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

0
Saturday August 21, 2021 - 21:36:40 in News by
  • Visits: 1688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Shaacisay Baadhis Ay Ku Samaynayso Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

    Xukuumada Oo Shaacisay Baadhis Ay Ku Samaynayso Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Shaacisay Baadhis Ay Ku Samaynayso Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo

Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay baadhis ku bilaabayso dugsiga Abaarso iyo jaamacada Barwaaqo.


warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa lagu sheegay in iyada oo laga jawaabayo dareenka ay shacabku qabaan baadhis lagu samaynayo jaamacada Barwaaqo iyo dugsiga Abaarso, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan :-

"Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka.

Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani.
Allaa mahad leh."

Masaajidda Somaliland oo Diiday Amar ka soo Baxay Wasiirka Awqaafta Somaliland

Loading...
Loading...