Muruqmaal Ku Nafwaayay Bulaacad Uu Ka Xoogsanayay Oo Ku Taala Hargaysa

0
Saturday August 21, 2021 - 11:31:58 in News by
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muruqmaal Ku Nafwaayay Bulaacad Uu Ka Xoogsanayay Oo Ku Taala Hargaysa

    "waxaana badi goobjoog ahaa saraakiisha u saraysa ciidanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaana badi goobjoog ahaa saraakiisha u saraysa ciidanka"

Hargaysa (HWN) Alle haw naxariistee Nin muruqmaal ah ayaa habeenimadii xalay abaaro 1:37 pm ku nafwaayay Bulaacad uu ka xoogsanayay kuna taala degmada 26 June ee magaalada Hargeysa gaar ahaan istaanka Cabaaye ee suuqa.




Hawlgal culus oo ciidanku fuliyeen ayaa ay ku guuleysteen inay maydka ka soo saaraan Godka.

Ninkan ku dhintay godka ayaa ahaa muwaadiniin u dhasahay waddanka Ethiopia, laguna magacaabo Subeer Bayaan, da'adiisuna ahayd 30 Jir. Sidoo kale waxaa bulaacada kala shaqaynayay nin kale.


Gurmadkan waxaa ka hawlgalay Ciidanka Dab-demiska ee ku sugan Taliska guud, waxaana badi goobjoog ahaa saraakiisha u saraysa ciidanka. Waxaana maydka la wareegay ciidanka dambi baadhista Booliska.


Ugu dambayn Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka farayaa muwaadiniinta ku nool Somaliland inay ka digtoonaadaan bullaacadaha iyo godadka ay sida sharci darada ah uga qodayaa habeenkii goobaha aan loo meel dayin, kuwaasoo khatar ku ah dad iyo xoolaba.


www.fire.govsomaliland.org

990 Gurmadka Degdega ah

Loading...
Loading...