Wargeys Falanqayn Ku Sameeyey Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Iyo Sababta Hargeysa Ku Doorbiday Taipei.

0
Saturday August 21, 2021 - 10:52:43 in News by
  • Visits: 1469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeys Falanqayn Ku Sameeyey Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Iyo Sababta Hargeysa Ku Doorbiday Taipei.

    Wargeys Falanqayn Ku Sameeyey Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Iyo Sababta Hargeysa Ku Doorbiday Taipei.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeys Falanqayn Ku Sameeyey Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Iyo Sababta Hargeysa Ku Doorbiday Taipei.

Warbaahinta dunida, ayaa soo hadal qaaday xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, kadib markii la xusay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan.




News Break oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer,  ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ee sanad jirsaday.

News Break oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay, "Somaliland oo dhabarka ka dhirbaaxda Bijeing, roog casna u dhigta Taiwan” ayaa waxaa uu falaanqeyn ku sameeyay inay Somaliland sidaasi yeeshay wakhti uu Shiinuhu culeys saarayay.

"cadaasi bilo ah kadib dowladda Somaliland waxaa ay jartay xidhiidhkii Beijing, waxayna ku casuuntay Taiwan inay safaarad ka furato Hargeysa”ayuu qoray News Break, waxaanu intaasi raaciyay, "Waa talaabo aan shaki ku jirin inay ka cadhaysiisay Shiinaha”, sida lagu tilmaamay warbixin uu daabacay The National Interest oo News Break ka soo xigatay qayb ka mid ah warbixinta.

News Break, waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabaha ay Taiwan ka caawiso Somaliland oo uu iskaashi qoto dheeri ka dhexeeyo,” Taiwan hada waxaa ay leedahay barnaamij ah deeq waxbarasho oo ay Ardayda Somaliland siiso, si ay wax uga soo bartaan caasimada Taipei, waxaana Somaliland ku soo ququlaya kaalmada Taiwan ay siiso, waxaana ka mid ah mashaariicda ay ka caawiso, Tamarta, Beeraha iyo Mashaariicda raasamaalka ah ee dadka”ayuu sheegay News Break.

Warbixinbta, ayaa waxaa ay itaasi ku dartay,”Somaliland waa gobol madax-banaan oo madax-banaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya 1991-kii, wuxuu bixiyaa Baasaboorka, wuxuu leeyahay Milateri, wuxuu leeyahay lacag qaran, lkiin ururka Midowga Afrika iyo Quwadaha kale ee dejiya ajendayaasha, ayaa go’aamiyay in Somaliland oo madax-baani loo aqoonsado ay dhiiri gelin doonto dhaqdhaqaaqyada kale ee Goosasho, Taasina tahay caqabada xilligan haysata Somaliland, balse taasi aanay hoos u dhigin dedaaladeeda diblomaasiyadeed iyo xidhiidhaka caalamka intiisa kale”.

Warbixinta, ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday horrumarinta Dekeda Berbera, taasi oo News Break sheegay in hadii 30% alaabooyinka Itoobiya u socda ka soo degi karaan ay taasi burburin ku tahay Jabuuti oo Shiinihu xaalkeeda adkeeyay, maadaama oo uu ku leeyahay deyn fara badan, taasi oo u dhiganta 71% waxsoo saarka Jabuuti.

"Haddii dekedda Berbera ay qabsan karto 30% xamuulka Itoobiya u socda, ay tani u badan tahay inay burburiso dhaqaalaha Jabuuti”ayuu yidhi News Break, kaasi oo intaasi raaciyay.”Maadaama Shiinihi adkeeyay gacan ku haynta Jabuuti, hoggaanka dalal badan ayaa raadinaya qorshaha labadaa”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud cali Yuusuf, ayaa wargeyska Washington Post u sheegay, Haa deynta uu Shiinuhu nagu leeyahay waa 71% GDP-ga Jabuuti, laakiin anaga ayaa u baahan kaabayaashaas”.

Warbixinta, ayaa intaasi sii raacisay in Somaliland oo ah dal yar oo aan haysan aqoonsi ay muujisay oo lidi ku ah qorsha Shiinaha ee isku balaadhinta geeska Afrika, isagoo adeegsanaya bixinta deymo,” Gobolkan yare e leh go’aanka qalafasan eek u yaala Afrika, wuxuu muujiyay inuu leeyahay qiimo sarre”ayay warbixintu sheegtay, taasi oo intaasi ku dartay in Somaliland iyo Taiwan oo aan haysan aqoonsi, ay ilaaliyaan dowladnimadooda, laakiin xidhiidhkooda uu cambaareeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, kaasi oo ku anadacooday in Taiwan ay meel kaga dhacayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya”.


Loading...
Loading...