Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi In Amar Ka Soo Baxay Lagu Joojiyey Duulimaadyada Diyaaradaha FLY Dubai Iyo Air Arabia?

0
Saturday August 21, 2021 - 10:40:47 in News by
  • Visits: 1932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi In Amar Ka Soo Baxay Lagu Joojiyey Duulimaadyada Diyaaradaha FLY Dubai Iyo Air Arabia?

    Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi In Amar Ka Soo Baxay Lagu Joojiyey Duulimaadyada Diyaaradaha FLY Dubai Iyo Air Arabia?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Maxay Ka Tidhi In Amar Ka Soo Baxay Lagu Joojiyey Duulimaadyada Diyaaradaha FLY Dubai Iyo Air Arabia?

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inaanu jirin amar ka soo baxay oo lagu joojiyey duulimaadyada diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia ee isticmaali jiray madaarka magaalada Hargeysa ee Somaliland.


war saxaafadeed ka soo baxay hay'adda madaarada Soomaaliya ayaa lagaga digay in la faafiyo warar aan ka soo bixin dawlada soomaaliya waxaanu lagu yidhi "Waxaanu ummadda Soomaaliyeed u caddaynaynaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan."

May be an image of airplane

Loading...
Loading...