" Dulucda Doodani Arimo Diineed Maaha Ee Dano Kale Ayaa Ku Lamaan.

0
Saturday August 21, 2021 - 09:44:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Dulucda Doodani Arimo Diineed Maaha Ee Dano Kale Ayaa Ku Lamaan.

    Qore: Komishineer Maxamuud Axmed Baarcad, oo kamida komishanka qandaraasyada qaranka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Komishineer Maxamuud Axmed Baarcad, oo kamida komishanka qandaraasyada qaranka .

" Somaliland intay ku soo biirtay barashada maadigu ardayda inta badan hogaanka noqotaa waxay ka soo aflaxeen jaamacaddo Dalal shisheeye ku yaal oo ay macalimiin ka yihiin dad aan Diinta Islaamka ehel u ahayn, bal kaw dheh haldoorkeena inta ugu badan waxa wax soo baray barayaal ajaanib ah haddana waa mudayaal/Marwooyin Diintooda iyo dhaqankoodaba ku adag, wali mala arkay hablo iyo wiilal waalidkood ka dayriyeen oo Diin kale qaatay iyagoo iskuulka Abaarso loo nisbaynaayo ama jaamacado dibadeedba.



Ethiopia ayey ardaydeenu maalin walba waxbarasho u tagaan ee maxay u soo gaalaabi waayeen, India iyo dalal kale ayey u tagaan ee maxay masiixi u soo noqon waayey hadday doodu tahay cilmigaa loo gabanayaa ubadkeena..


Xisaabta malagu darsaday inay caruurteenu soo hanuunin karaan macalimiinta ajaanibka ah ee dalkeena wax ka dhiga. Dhawrkii sano ee u danbeyeyba iskuulka Abaarso ayaa diirad lagu hayay haddana wali lama hayo qayla dhaan ka timi waalidka ay ubadkoodu wax ka bartaan.


Shabakadda Waxbarashada ee Abaarso oo ay ka mid tahayJaamacadda Barwaaqo, waxa ay dalkan da'yartiisa u sahleen in loo diyaariyo in wax ay ka baran karaan Jaamacaddaha aduunka ugu tayada sareeya.


Arday badan oo ka aflaxay Jaamacaddahaasi maanta dalka ayey kusoo laabteen, tayada aqooneed ee ay xambaarsanyihiina waa mid la arkay oo markhaati laga wada yahay.


Dadka kusoo dhuumanaya shaadh diineed ama dhaqan si ay wax u yeelaana una ceebeeyaan dalkan iyo dadka reer Somaliland kama duwanakuwo ka badheedhay in ay dhaawacaan danaha Qarankan!


30-sanno Dawladnimadii lasoo dhisayey dad baa maanta jecel in saacad lagu burburiyo oo Dalku dib ugu noqdo Qax, burbur iyo Silicii hore loo soo dhadhamiyey.


Qarankana waa yaqaan sida danihiisa loo ilaashado, cidna laga yeeli maayo in sharfta Qarankan iyo ta caruurtiisa wax la yeelo."


Xubin Guddida Qandaraasyadda Somaliland Maxamuud AxmedBaarcad ayaa qoraalkani qoray .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...