Muxuu Daaranaa Ka Maqnaashaha Muuse Biixi Ee Bandhigii Buugga Astaantii Halgankii Lixle?

0
Friday August 20, 2021 - 14:07:06 in News by
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Daaranaa Ka Maqnaashaha Muuse Biixi Ee Bandhigii Buugga Astaantii Halgankii Lixle?

    Muxuu Daaranaa Ka Maqnaashaha Muuse Biixi Ee Bandhigii Buugga Astaantii Halgankii Lixle?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daaranaa Ka Maqnaashaha Muuse Biixi Ee Bandhigii Buugga Astaantii Halgankii Lixle?


Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka muquurtay inuu ka qayb-gelo daah furkii buugga Astaantii Halganka ee laga qoray Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye "Lixle”,kaas oo lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa,waxaana xusid muddan in Madaxweyne Biixi uu dalka ku sugan yahay,isla markaana aanu ka maqnayn.




Warar Wargeyska Waaberi u ka helay ilo ku dhow-dhow Xisbiga Kulmiye ee uu Gudoomiyaha ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in saraakiil iyo kaadariin Xisbiga Kulmiye ka Tirsani Madaxweynaha kula taliyeen inuu ka qaybgaloXafladda Buugga Astaantii Halganka ee laga qoray Mujaahid Marxuum Maxamed Xaashi Diiriye Lixle ,hase-yeeshee dalabkaa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku gacan saydhay,isla markaana uu u sheegay inay hawlo baddan u yaallaan.


Dhanka kalena Mujaahidiin baddan iyo Haldoorkii ka qayb-galay Xafladda Bandhiga Buugga laga qoray Alle-ha-unaxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle ooiskaga kale yimi Magaalooyinka iyo Gobollada Dalka iyo weliba daafaha dunnida ayaa filayey in Madaxweyne Biixi uu ka soo qayb-geli doonno Xafladdaas,balse taas may dhicin,isla markaana masuuliyiintii kale ee Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE kama ay sheegeen meesha cuddur-daar ay ku sababaynayaan maqnaansha Madaxweyne Biixi oo dalka joogo uu uga maqnaaday Xafladdaa lagu soo bandhigayey Buuggaa laga qoray Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle

Gunaanadkii hadday jirto iyo haddii kaleba, ka maqnaansha Madaxweyne Muuse Biixi ee xafladda bandhiga buuggaa laga qoray Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle,waa qodob aan lahayn meel laga dhaafo, oo hadda wixii ka danbeeya mar walba su’aashiisu hor taalo Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, waxa arrintani marag fur u noqoneysaa dadka Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliila inuu yahay Askari ad-adag oo aan waxba cafiyin, isla markaana aad si dhib yar wajigiisa uga daalacan kartid fikirka uu ka aaminsan yahay, waqti xaadirka marka aad la joogto.



Loading...
Loading...