Xukuumda Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Barnaamij Dawlada Somaliya Ay Ku Kasbatay Dhalinyarada Somaliland

0
Friday August 20, 2021 - 09:42:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumda Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Barnaamij Dawlada Somaliya Ay Ku Kasbatay Dhalinyarada Somaliland

    "Maaha Ibnu-aadamku in uu is jaha wareeriyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maaha Ibnu-aadamku in uu is jaha wareeriyo"

Hargeysa (HWN) – Dawladda Somaliland, ayaa Soomaaliya ku eedaysay inay waddo Barnaamij ay ku abuurayso is-dhexgalka dhallinyarada Somaliland iyo Soomaaliya.



Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay wado barnaamij isdhexgal lagaga dhex abuurayo dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan faa’iido lahayn, sida uu sheegay.


Wasiirka oo Shalay ka hadlay Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa faahfaahinaya wuxuu yidhi "Waar Xamar iyo Jawhar isma dhex galaan, Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraana isma dhex galaan, Baydhabo iyo Kismaayo-na isma dhex galaan, Xamar iyo Baladweyne isma dhex galaan, bal is dhex galka Xamar iyo Hargaysa laga sameeya muxuu kordhiyaa?” Ayuu iswaydiiyey Wasiirku.


Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaro reer Somaliland ah oo magaalada Muqdisho u tagay barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, ee ay dowlada Soomaaliya ka shaqaynayso sida uu sheegay, ay nolol aad u xun kala kulmeen magaalada Muqdisho.


"Maaha Ibnu-aadamku in uu is jaha wareeriyo, maanta xogaha aanu hayno waxa kamid ah qaar dhalinyaradeena ka mid ah oo barnaamijka lagu jaha wareeriyay, in ay imika xaaladda ugu xun, nolosha ugu xun iyo dhibta ugu xun ay Xamar ku joogaan” ayuu yidhi wasiirku.


Barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, dhaqanka iyo fanka, ayaa kamid ahaa qodobadii lagu soo hadal qaaday wada-hadaladii aan midho dhalin ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti 15, Juun, 2020.

Loading...
Loading...