Xukuumada Kulmiye Oo Hudheelada Duldhigtay Amar Ka Dhan Ah Xisbiyada Mucaaridka Ah

0
Thursday August 19, 2021 - 17:15:18 in News by
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Kulmiye Oo Hudheelada Duldhigtay Amar Ka Dhan Ah Xisbiyada Mucaaridka Ah

    Xukuumada Kulmiye Oo Hudheelada Duldhigtay Amar Ka Dhan Ah Xisbiyada Mucaaridka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Kulmiye Oo Hudheelada Duldhigtay Amar Ka Dhan Ah Xisbiyada Mucaaridka Ah

Xukumadda KULMIYE ee uu hoggaamiye Madaxweyne Biixi ta ay keentaaba tii kale ka darran’e ,ayaa la sheegay inay Hudheeladda waa weyn ee Magaalada Hargeysa fartay in aan madax-da Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI in aanay ku qabsan karrin shirarka Jaraa’id.


Xoghayaha arrimaha guddaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda KULMIYE ay Hudheelada ku amartay in aan madax-da Xisbiyadda Mucaaradku ku qabsan karrin shirarka jaraa’id,isla markaana ay Mulkiilayaasha Hudheelada u hanjabtay .

Maxamed Faarax Cabdi oo arrintaas ka hadlaya ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:" Waxa kale oo aanu arkaynaa hudheeladii Hargeysa oo la yidhi Mucaaradku kuma qabsan karraan shirarka jara’id ,hudheel kasta oo aad tagtaa waxa uu ku odhanayaa Dawladdii ayaa i qabsatay oo kuma hadli kartaan .”ayuu yidhi

Dhanka kalene Xoghaye Maxamed Faarax Cabdi,ayaa sheegay in arrintaas ay ka dambaysay jabkii uu Xisbiga KULMIYE kala kulmay doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada "Jabitaankii ay jabeen KULMIYE waxay dhaxal siisay inay Hudheeladii loo hanjabo oo Xukuumaddu tidhaah Mucaaradku shir jaar’id kuma qabaan karaan Hudheelada,meel aanu ku haddalno ma waayeyno,arrintaas haddii ay jirto waxa aanu leenahay Badhasaabka ceeb ayey kugu tahay.”

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda KULMIYE ayaa la sheegay inay Hudheelada Magaalada Hargeysa ay ku amartay in aan Madax-da Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI aanay ku qabsan karrin shirar saxaafadeed-yo.

Loading...
Loading...