Muuse Biixi Oo Tallaabo Ay Xishoodeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Riyaale Kula Kacay Mujaahidiintii SNM

0
Thursday August 19, 2021 - 17:12:11 in News by
  • Visits: 1909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Tallaabo Ay Xishoodeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Riyaale Kula Kacay Mujaahidiintii SNM

    Muuse Biixi Oo Tallaabo Ay Xishoodeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Riyaale Kula Kacay Mujaahidiintii SNM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Tallaabo Ay Xishoodeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Riyaale Kula Kacay Mujaahidiintii SNM

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa tallaabo ay ka xishoodeen afartii Madaxweyne ee ka horeeyey isaga kula kacay Mujaahidiintii ururkii SNM,taas oo ah mid uu kaga barakiciyey xaruntii jimciyadda Sooyaal ee Magaalada Berbera oo uu ku wareejiyey shirkadda Dahabshiil.


 
Madaxweyne Muuse Biixi oo wareysi siiyey VOA

Xaruntii jimciyadda Sooyaal ee Magaalada Berbera ayaaAxadii toddobaadkan lagu waaberiistay iyadoo cagaf-yo lagu duminayo,isla markaana ay cutub-yo ciidanka ka tirsan ay illaalinayaan,taas oo anfariir ku noqotay Mujaahidiintii reer Somaliland,waxaana la sheegay inuu amarka bixiyey Madaxweyne Biixi,sida ay sheegeen Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayarka Magaalada Berbera.

Dhanka kalene qaar kamid Mujaahidiinta SNM oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-" Waanu ku shaqaysanaynay waxa aanu ku soo toosnay,iyadoo cagaf ku jirto,isla markaana ciidan lagu wareejiyey ,wax nalaga weydiiyey ma jirto ,waxaanu kale baxnay ma jirto dhukmatiyaddii iyo alaabtii oo ku jirta ayaa lagu dumiyey,.”ayey sheegeen .

Waxa ay intaas ku sii dareen "Badhasaabka ayaa noo yeedhay doorashadii Golaha Wakiillada ka hor waxa uu nagu yidhi warqad amar ah ayuu Madaxweynuhu soo qoray aqalkaa waxa la yidhi banneeya, annagu haddii aad diidaan waanu fulinaynaa,haddii aad yeeshaana waanu fullinaynaa.”ayey yidhaah-deen.


Geesta kalene Mujaahidiinta ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu kula kacay waxay ka xishoodeen afartii Madaxweyne ee ka horeeyey isaga "Haddii aanu nahay Mujaahidiintii SNM waxa nalagu fulliyey wax aad u fool xun ,Madaxweynaha waxaanu u sheegaynaan ninkii aanu is lahayn wuu idin garanayaa oo mujaahid ayuu ahaa in uu saaka "shalay” nagu fulliyey wax aad iyo aad u fool xun kama aanu fileyn Madaxweyne,wax-yaabaha meeshan ka socda,dalka waxa soo maray afar Madaxweyne afartaa Madaxweyne wey ka xishoon jireen waanay ka qajili jireen, maanta haddii adigu aad xukun mileteri nagu fulisay,taas mid noo cuntamaysa maaha,waxaan leenahay Madaxweynaha oo aanu u sheegaynaa guryahan annaga ayaa leh.”ayey sheegeen.


Sidoo kalena Mujaahidiinta ayaa sheegay inay Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi Cabdiayka filayaan inuu wax taro,haseyeeshee aanay ka filayn inuu barakiciyo "Maanta waxa aanu kalsooni ku qabnay nin SNM ah ayaa waddanka haysta,waanu ku doorranay adiga ayaanu in aad wax na tarto kaa filaynay ee kama aanu filayn in aad wax na yeesho.”ayey yidhaah-deen

Loading...
Loading...