Maayarka Addis Ababa Oo Ka Hadashay Khasaare Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'ay Caasimada Itoobiya

0
Thursday August 19, 2021 - 11:17:56 in News by
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Addis Ababa Oo Ka Hadashay Khasaare Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'ay Caasimada Itoobiya

    Maayarka Addis Ababa Oo Ka Hadashay Khasaare Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'ay Caasimada Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Addis Ababa Oo Ka Hadashay Khasaare Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'ay Caasimada Itoobiya


Maayarka Magaalada Adisababa Adanech Abebe ayaa sheegtay Roobab Mahiigaana oo ka da,ay Adisbaba ay sababeen Khasaare Naf iyo Maalba leh.

May be an image of street and road


Maayarka Magaalada Adisababa Adanech Abebe ayaa sheegtay in Roobab ka da,ay galabtaMagaalada Adisababa uu sababay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo Khasaare hantiyeed.

Maayarka Magaalada Adisababa Adisababa Adanech Abebeayaa waxa tilmaantay in daadad ku soo rogmaday Magaalada Adisababa ay xidheen isku socodka Gaadiidka ee Magaalada.

Adanech Abebe ayaa sidaa ka sheegtay Roobabkan iyo Khasaaraha ay keeneen qoraal ay soo dhigtay barteeda.Waxaana uu u dhignaa sidan.

Roobab mahiigaan ah oo galabta ka da’ay caasimaddeenna Addis Ababa,kuwaas oo sababay daadad ku dhuftay qeybaha kala duwan ee magaaladeena oo sababay khasaare naf iyo maalba leh,wali wadooyinku way xiran yihiin daadadka ba’an ee ka jira Asco, Addis Ababa, Fagaaraha Jarmalka iyo Golf Club, shaqaalaha gurmadka iyo dabdamiska ayaa aad ugu dadaalaya sidii looga hortagi lahaa khasaare kale oo bini’aadam.waxaan sidoo kale dhibbaneyaasha u gudbinaynaa xarumaha caafimaadka iyo bixinta gargaarka degdegga ah.

Maaayarka Adisababa ayaa waxa sheegtay in ayqaadeen Taalaabooyin taxadir leh.Waxaana ay tidhi.

"Maamulka magaalada ayaa durba qaaday tallaabooyin taxaddar leh oo la xiriira jiilaalka, laakiin masiibada maanta ayaa tilmaamaysa in shaqo badan loo baahan yahay in la qabto.

Caddayntu waxay soo jeedinaysaa in roobab mahiigaan ah ay da’ayaan maalmaha soo socda, sidaa darteed waxaan dadka deegaanka ka codsanayaa inay taxaddarka lagama maarmaanka ah qaataan.

May be an image of road and tree
May be an image of body of water and tree
May be an image of tree and body of water


Loading...
Loading...