Halkee Ayuu Ku Sugan yahay Madaxweynihii Xilka Laga Tuuray Ee Dalka Afghanistan?

0
Thursday August 19, 2021 - 11:13:40 in News by
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ayuu Ku Sugan yahay Madaxweynihii Xilka Laga Tuuray Ee Dalka Afghanistan?

    Halkee Ayuu Ku Sugan yahay Madaxweynihii Xilka Laga Tuuray Ee Dalka Afghanistan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkee Ayuu Ku Sugan yahay Madaxweynihii Xilka Laga Tuuray Ee Dalka Afghanistan?


Madaxweynihii xilka ka degey ee Afqaanistaan oo maalmahan warkiisa la la’aa ayaa hadda la sheegayaa in uu gaadhay magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Afghan President Ghani flees country as Taliban enters Kabul | Ashraf Ghani News | Al Jazeera


Talefishanka ‘Cable News’ ee dalka Afqaanistaan ayaa goordhoweyd ku warramay in Ashraf Qaani uu marka hore u baxsaday dalka Tajakiztan, kaddibna u gudbay dalka Cumaan, laakiin ugu dambayntii ay ilo xogogaal ahi xaqiijiyeen in uu degey caasimadda Imaaraadka Carabta.

Sarkaal ka tirsan hay’adda ammaanka ee Imaaraadka ayaa isaguna habeennimadii Arbacadu soo gelaysay bartiisa twitter ka ku qoray in madaxweynaha hore uu joogo Imaaraadka.

15 kii August 2021 ka ayaa Ashraf Qaani iyo xubno badan oo ka mid ah ehelkiisa iyo dadkii ku dhowaa ay ka soo baxeen Afqaanistaan, kaddib markii uu xilka iska casilay. Waxaana jira warar uu sirdoonka Ruushku helay oo sheegaya in uu sii qaatay lacag balaayiin doolar ah.

Ashraf Qaani oo muddo toddoba sano ah ahaa madaxweynihii 14naad ee dalkiisa ayaa lagu dhaliilayaa in aanu waxba ka qaban dhismaha hay’adaha dawladda, ciidamada iyo waaxyaha ammaanka iyo musuqmaasuqa, taas oo sababtay in ururka Daalibaan uu todobaaddo gudihii kagala wareego dalka oo dhan, kaddib markii ay ciidamadii Maraykanka ee ilaalinayey ka baxeen.


Loading...
Loading...