Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag U Naqdiyey Magaca Loo Doortay Buug Laga Qoray WasiirMaxamed Kaahin

0
Thursday August 19, 2021 - 10:54:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag U Naqdiyey Magaca Loo Doortay Buug Laga Qoray WasiirMaxamed Kaahin

    "Muddooyinkii dambe waxa si weyn dalka ugu soo badanayay qalinlayda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muddooyinkii dambe waxa si weyn dalka ugu soo badanayay qalinlayda"

Hargeysa, (HWN)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo Cali Guray loo yaqaano ayaa si adag u naqdiyey Magaca uu xambaarsan yahay Buug cusub oo dhawaan soo bixi doona oo laga qoray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku dhaliilay magaca buuggaasi loo doortay.



Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed hore uga wada tirsanaan jireen xarakadii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM waxa uu si adag u dhaliillay Magaca Buugga laga qoray Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo ah "SHAHIIDKA NOOL” oo uu ku tilmaamay magac aan haba yaraatee munaasib ahayn isaga oo sheegay in aanu jirin wax shahiid nool la yidhaa ee ay aqoon darro weyn ka tahay qoraha Buuggasi, qoraa Maxamed Colaad.


Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku yidhi sidan: "Ma jiro wax la yidhaa shahiid nool, ee ka qoray aqoon darro ayaa Haysa ee ha loo sheego oo ha la saxo” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cali Guray.


Hadalkan uu ku dhaliilay qoraaga buuggaasi Cali Guray ayaa ku soo beegmaya markii uu suuqa soo galay hadal haynta Buug cusub oo laga qoray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, Buuggaasi oo ciwaankiisu yahay sidan: "SHAHIIDKA NOOL, Maalmihii iyo mahadhadii Muj: Maxamed Kaahin Axmed 1948-2021” kaasi oo muuqaalka jaldiga buuggan lagu baahiyey baraha Bulshada doodo badanina ka dhasheen magaca loogu wan-qalay. Muddooyinkii dambe waxa si weyn dalka ugu soo badanayay qalinlayda wax badan ka qoraysa dadka magaca Bulshada ku dhex leh sida Abwaannada, Fannaaniinta, siyaasiyiinta, halgamayaashii SNM iyo dadka kale ee magaca lehba.

Loading...
Loading...