Xukuumada Somaliland oo Markale Joojisay Isticmaalka Bacaha

0
Thursday August 19, 2021 - 08:37:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland oo Markale Joojisay Isticmaalka Bacaha

    "Taasi oo mamnuucaysay soo dejinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taasi oo mamnuucaysay soo dejinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha"

Hargeysa-(HWN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay in ay joojisay adeegsiga iyo ka ganacsiga bacaha oo khatar ku ah deegaanka iyo xawayaanka.



Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada, Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xukuumaddu ay dib u dhaqan gelisay wareegtadii kasoo baxday xukuumaddii Madaxweyne Silaanyo sannadklii 2015-kii ee lagu mamnuucay soo dejinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha.


Kulan ay isugu yimadeen guddida bilicda ee heer qaran ay ku go’aamiyeen laga bilaabo shalay in la joojjiyey adeegsiga iyo ka ganacsiga bacaha,” guddidu waxa ay go’aamisay in la dhaqangeliyo wareegtadii madaxweynaha ee soo baxday bishii April ee sannadkii 2015. Taasi oo mamnuucaysay soo dejinta ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha”


Wasiir Sacad ayaa sheegay in cidii lagu arko laga qaadi talaabo sharci oo ay ciqaab ku mutaysanayaan, waxaanu ka digay in masuuliyiinta dawladda iyo kuwa dhaqanku ay u gargaaran dadka jebiya sharciga lagu joojiyey isticmaalka, ka ganacsiga iyo adeegsiga bacaha .

Loading...
Loading...