Xaflad Meher, oo Xusid Mudan

0
Wednesday August 18, 2021 - 09:30:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad Meher, oo Xusid Mudan

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

Xaflad Meher, oo Xusid Mudan


Maalintii Axadeed, ee 2021-08-15, waxa aan magaalada (Eskilstuna), ee dalka Iswiidhan (Sweden), aan kaga qeyb galey, madal barakeysan, oo meher, oo si wacan looga soo shaqeeyey, si farxad leh ku bilaabantey, oo si wanaagsan loo daadihiyey, oo si fiican u qabsoontey, oo dhaqankeena suubban lagu sargooyey – mahaddana Allaa iska leh.



Xafladdani waxa ay ka turjumeysey, dhaqan wanaageenii iyo hiddo dhawrsanaanteenii aynu asalka ku ahayn, ee aynu isirka u lahayn, ee la inagu garan jirey, ee aynu gaarka u lahayn. Waayo, madax-dhaqameed mudnaan leh, oo maamuus leh, oo ixtiraam leh, oo qaddarin leh, oo dhaqan yaqaan ah, ayaa dhaqanka ku hagey; oo dhaqanka ku hoggaamiyey – mahaddana Allaah iska leh.


Xafladdani waxa ay tusaale u tahay, xafladahan meher, ee haddeertan, ee dhaqan-guurku ku dhacey, ee la siyaasadeeyey, ee gole ay muxaafadka iyo mucaaradku ku hirdamaan laga dhigey – subxaanaka yaa cadiim.


Hadal waa murti’e, lammaanayaasha, waa in aan farxadahooda laga fara-xumeynin – bi idni Allaah.


Ugu danbeyn:

Waxa aan hambalyeynayaa, oo aan u duceynayaa; oo Alla ha idin barakeeyo aan lee’ahay, lammaanihii xafladdaas barakeysneyd nasiibka u yeeshey, oo ah:


Axmed Maxamuud Muxumed iyo Hoodo Aadan Maxamuud

Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...