Xukuumada Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday In Dalka Shaqa La'aantu Heerkii Ugu Saraysay Marayso

0
Wednesday August 18, 2021 - 09:00:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday In Dalka Shaqa La'aantu Heerkii Ugu Saraysay Marayso

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday In Dalka Shaqa La'aantu Heerkii Ugu Saraysay Marayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqday In Dalka Shaqa La'aantu Heerkii Ugu Saraysay Marayso

Hargaysa (HWN) Magaalada Hargeysa waxa shalay lagu qabtay kulan hawleed lagu lafa-guray hirgelinta siyaasadda shaqo-abuurka ee heer Qaranka, kaasoo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland, kana soo qaybgaleen Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha qorsheynta Qaranka, Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga iyo hawlaha guud.



Shirkan oo intii uu socday ka qaybgaleyaashu kaga dooddeen isku-dheeli-tirka fursadaha shaqo-abuur iyo shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta, ayaa waxa hadal ka jeediyey markii uu furayey Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Mustafe Maxamuud Bille (Godane), waxaanu sheegay in kulanka looga gol leeyahay sidii loo tuujin lahaa hirgelinta siyaasaddan, si loogu dhaqmo oo midho-dhal looga abuuro, waxaanu wasiirku sheegay in mushkilada Somaliland ka jirtaa ay tahay shaqo la’aanta oo uu sheegay inay marayso Heerkii ugu sareeyay.


Xukuumada Muuse Biixi ayaa ku fashilantay inay shaqo abuur usamayso dhalinta oo ah tiro aad ubadan, oo sanad walba tiro horleh ay jaamacadaha ka soo baxayaan.

Loading...
Loading...