Maxay Ka Wada Hadleen Ra'iisul Wasaare Rooble Iyo Madaxweynihii Hore Ee Dalka?

0
Wednesday August 18, 2021 - 08:46:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Wada Hadleen Ra'iisul Wasaare Rooble Iyo Madaxweynihii Hore Ee Dalka?

    Ra'iisul Wasaaraha ayaa Cabdiqaasim uga mahadceliyay doorkiisa dowlad dhiska Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Cabdiqaasim uga mahadceliyay doorkiisa dowlad dhiska Soomaaliya




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu ka wado kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin kale eek u sugan.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan oo uu ka siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka, hannaanka ay u socdaan doorashooyinka iyo arrimo kale.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaaCabdiqaasim uga mahadceliyay doorkiisa dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odoynimo.

 

"Waxaan hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo. Waxaan madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in uu kulamada uu ka wado dalka Masar ay sii socdaan, isla markaana gelinka dambe ee Maanta uu soo geba-gabeeyay safarka uu ku joogo dalka Masar.


Loading...
Loading...